Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Arsene Wenger Oo Dalbanaya Xiddiga Napoli Edinson Cavani Oo Uu U Arko Bedelka Robin Van Persie.

Posted By ilwareed on Sunday, November 11th 2012 09:54 EAT

Tababara Arsene Wenger ayaa diyaar u ah inuu bankiga u jabiyo oo 30 milyan ginni ku dalbado xiddiga weerarka uga ciyaara Napoli Edinson Cavani, iyadoo ninka reer France uu isku dayayo inuu badbaadiyo xilli ciyaareedka Arsenal. Sida ay qortay Mail on Sunday.

Wenger ayaa diyaar la u ah inuu talaabo qaado ka dib markii uu daawaday kooxdiisa oo 11 dhibcood ka hooseysa kooxda hogaanka u heysa horyaalka markii ay shalayto barbaro 3-3 la galeen kooxda Fulham.

Tababaraha Arsenal ayaa cadaadis uu kaga imaanayay taageerayaasha oo ku aadan inuu lacag geliyo kooxda oo sideed sanno ku dhawaad sugeysa koobkeedii ugu horeysay, waxaana uu go’aansaday inuu diirada koowaad ka dhigto soo xerogelinta 25 jirka reer Uruguay Vani sida ay sheegeyso The Mail.

 

Madaxa indhaindheynta suuqa kala iibsiga ee Arsenal Steve Rowley ayaa khamiistii hore u safray Italy si uu u soo daawado ciyaaryahanka, waxaana ay ku soo aaday xilli weeraryahanka uu afar gool ka dhaliyay kooxda reer Ukraine ee Dnipro.

Wenger ayaana u arka Edinson Cavani ninkii buuxin lahaa booskii uu baneeyay Robin van Persie oo xagaagii ku biiray kooxda Manchester United.

Waxaa la rumeysan yahay in Napoli aysan si fudud ku sii deyn doonin xiddigooda kaasoo bishii May heshiis cusub oo shan sanno ah u saxiixay, waxaana uu doonayaa inuu jabiyo rikoorka gooldhalinta Napoli ee uu haayo Diego Maradona.

Wixii talo iyo tusaale ah E-mail kan noogu soo dir : ilwareed@gmail.com

    Leave a Reply

    Your email address will not be published.

    Magacaada

    Emailkaada


    Fikradaada halkan ku qor

    Live Somali Tvs

    ilwareed Tv

    Wararka

    Deg Deg: Man United oo si rasmi ah u ceyrisay tababare David Moyes April 22nd 2014

    David silva oo baaritaan lagu sameynayo ka dib markii xalay bareelo looga saaray garoonka April 22nd 2014

    Jose Mourinho: Real madrid ayaa weli ah kooxdeyda Spain April 22nd 2014

    Jurgen Klopp oo sidoo kale diirada u saaran Man United April 22nd 2014

    Van gaal oo sugaya shaqada man United Iyadoo ay soo dhow dahay in la Ceyriyo david Moyes. April 22nd 2014

    Hordhac: Atletico Madrid v Chelsea – Simieone iyo mourinho oo Semi-finalka Champions League isku Arkaya April 22nd 2014

    Liiska dhameystay ee rikooryada uu jabiyay Moyes intii uu Man United Macalin u ahaa April 21st 2014

    Jurgen Klopp: kuma biirayo barca, waan jeclahay dortmund April 21st 2014

    Boliiska oo baaraya fadeexad la xiriirta isticmaalka daroogada cocaine oo ka dhacday koox weyn oo England Ah April 21st 2014

    Sawirro:-Liverpool oo dhaw in ay horyaalka BPL qaaday ka dib guushii galabta April 21st 2014