Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Arsne Wenger: Goolkii Ibrahimovic Uu Dhaliyay Waa Gool Uusan Ciyaaryahan Caadi Ah Sameyn Karin.

Posted By ilwareed on Friday, November 16th 2012 13:40 EAT

Arsene Wenger ayaa si aad ah uga amaanay Zlatan Ibrahimovic goolkii aan caadiga aheyn ee afaraad ee uu u dhaliyay xulkiisa Sweden kulankii England, isagoo ku sharaxay inay calaamad u tahay kalsoonida uu xiddiga reer Sweden isku qabo.

Weeraryahanka PSG ayaa wada dhaliyay dhamaan afarta gool habeenkii arbacada oo ay ku jirto goolkii u danbeeyay oo laba lugaaleey 25 yard uu ka soo toogtay goolka, taasoo keentay in tababaraha Arsenal uu durbaba amaano.

“Waxaan rumeysanahay in dhamaanteen uu naga yaabsaday.” ayuu Wenger u sheegay website-ka kooxdiisa.

“Mararka qaar, marka uu ciyaaryahan gool shuut ah ka soo toogto 30 yard islamarkaana uu goolka meel gees ah ka geliyo, waxaan dhahnaa, waxa aheyd gool fantastik ah, laakiin waxaad aamineysaa inaad adiga xitaa sidaas sameyn karto xitaa hadii aadan mar wala sameyn karin.

“Laakiin marka uu dhaliyo gool sidaas oo kale ah, waxaad ku fekereysaa inaysan aheyn wax uu sameyn karo ciyaaryahan caadi ah. Waa inaad noqotaa ciyaaryahan aad iyo aad u fiican si aad sidaasi u sameyso.

“Waxay dhahaan waa master-ka Kung Fu. Waadna arki kartay habeenkii arbacada. Waxaad u baahan tahay inaad si gaar ah jirkaaga u qaabeyn karo, iyo awood jir ahaaneed inaad sidaasi sameyso, marka laga reebo inaadba marka hore ku fekerto inaad sidaasi sameyso.”

Goolka Ibrahimovic oo lagu tilmaamay inuu ahaa mid ka ah goolasha ugu fiican ee kubada cagta abid laga dhaliyay, ayaa dhashay ka dib markii FIFA ay soo saartay 10ka gool ee ku tartamaya goolka sannadka ee abaalamarinta Puskas Award.

source: laacib

Wixii talo iyo tusaale ah E-mail kan noogu soo dir : ilwareed@gmail.com

    Leave a Reply

    Your email address will not be published.

    Magacaada

    Emailkaada


    Fikradaada halkan ku qor

    Live Somali Tvs

    ilwareed Tv

    Wararka

    Deg Deg: Man United oo si rasmi ah u ceyrisay tababare David Moyes April 22nd 2014

    David silva oo baaritaan lagu sameynayo ka dib markii xalay bareelo looga saaray garoonka April 22nd 2014

    Jose Mourinho: Real madrid ayaa weli ah kooxdeyda Spain April 22nd 2014

    Jurgen Klopp oo sidoo kale diirada u saaran Man United April 22nd 2014

    Van gaal oo sugaya shaqada man United Iyadoo ay soo dhow dahay in la Ceyriyo david Moyes. April 22nd 2014

    Hordhac: Atletico Madrid v Chelsea – Simieone iyo mourinho oo Semi-finalka Champions League isku Arkaya April 22nd 2014

    Liiska dhameystay ee rikooryada uu jabiyay Moyes intii uu Man United Macalin u ahaa April 21st 2014

    Jurgen Klopp: kuma biirayo barca, waan jeclahay dortmund April 21st 2014

    Boliiska oo baaraya fadeexad la xiriirta isticmaalka daroogada cocaine oo ka dhacday koox weyn oo England Ah April 21st 2014

    Sawirro:-Liverpool oo dhaw in ay horyaalka BPL qaaday ka dib guushii galabta April 21st 2014