Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Dhacdo layaab leh oo ka dhacday Xaafada Buula Barwaaqo ee dagmada Wajeer.

Posted By ilwareed on Thursday, November 29th 2012 11:07 EAT

Bulshada ku dhaqan xaafada Buula Barwaaqo ee dagmada Wajeer ayaa saakay ku waabariistay arin layaab leh ka dib markii Maydka Cunug yar oo Saqiir ah laga soo saaray Aqal soomaali ku yaala xaafadaasi.

Cunagani Maydka ah ayaa sida ay sheegeen dadka xaafadaas  waxaa  dishay hooyadii dhashay oo gacan ka helaysay qaar ka mid ah qoyskeeda.

Qaar ka mid ah dadka ku dhaqan xaafada Buula Barwaaqo ee dagmada Wajeer ayaa isugu soo baxay goobtii cunugaasi saqiirka ah laga helay waxa ayna sheegeen in cunugaasi la ceejiyay oo ay qoorta uga xirnayd maro lagu sirqiyay.

waxayna siwayn u dhaleeceenyeen dhacdadaasi oo ay ku tilmaameen mid ka baxsan shareecadeena islaamka ee naxariista badan iyo dhaqanka suuban ee bani aadanimada leh.

Ciidamada Police-ka degmada Wajeer  ayaa  gacanta ku soo dhigay Gabadhii  dhashay Cunuga la dilay oo 16 jir ah ,wiil  walaalkeed ah iyo hooyadii dhashay gabadha oo ay iminka baaritaan ku hayaan Booliiska.

Warbixin ay soo saareen dhaqaatiirtii baaritaanka ku sameeyay maydka cunugani yar ayaa waxa ay sheegeen in cunaga la ceejiyay islamarkana uu madaxa nabar kaga yaalo .

Wixii talo iyo tusaale ah E-mail kan noogu soo dir : ilwareed@gmail.com

    Leave a Reply

    Your email address will not be published.

    Magacaada

    Emailkaada


    Fikradaada halkan ku qor

    ilwareed Tv