Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Dumarka Soomaalida oo ka cabanaaya Webseedada qaar. (Waa maxay sababta)

Posted By ilwareed on Sunday, November 25th 2012 17:13 EAT

Dumarka Soomaalida kuwa kunool Magaalada Muqdisho iyo Qurbaha ayaa ka cabanaaya Webseedada qaar ee iyagu aan ilaalin Shuruucda u dagsan Saxaafadda gaar ahaan Arimaha Bulshada

Dumarka ayaa iyagu ka cabanaada isticmaalka Sawiradooda ee lagu soo daabaco webseedad Qaar iyaga oona sheegay in loo adeegsado Muuqaalkooda qormooyinka arrimaha Bulshada islamarkaana laga diyaariso Qoraalo Fadeexo ah oo sumcadooda wax u dhimaayo

Hooyo Seynab Xassan oo kunool Magaalada Muqdisho waxa ay shabakada Ilwareed ka codsatay inay daabacdo Warbixinta ay dumarka ku cambaareynaayan Webseedada qora arimaha Bulshada waxa ayna sheegtay Maamo Seynab in Muuqaalka Sawirkeeda loo adeegsaday Maqaal ka hadlaaya dumarka iyada aan arinkaasi waxba ka Ogeyn ay lasoo xiriiren wiilasha la dhashay islamarkaana ku canaantay inay joojiso soo bandhigida muuqaalkeeda Hayeeshe Hooyo Seynab arinkaasi waxba kama aynan ogeyn.

Hooyo Seynab oo fariin soo gaarsiisay Shabakada Ilwareed ayaa tiri ‘’Waxaa nasiib daro ah in Webseedad qora arimaha Bulshada ay shacbiyad ku raadsadaan soo bandhigida muuqaalka Dumarka Soomaalida taasina ay waxbadan u dhibeyso sumcada Webseedad, waxaa la isticmaalay muuqalkeyga waxaana leyga qoray qoraal aan asluub lahayn mana kawarqabin waxaana ila soo xiriiray wiilasha ila dhashay iyaga oo igu canaantay in aan webseedadaasi u diray muuqalkeyga balse aniga waxba kama aan ogeyn waxa ayna danta igu qasabtay in aan webseedad uga digo inay Shacbiyad ku raadsadaan muuqaalka Gabdhaha masaakiinta ah oo ay soo daabacaayan’’ sidaa waxaa yiri hooyo Seynab

Si kastaba ha ahaatee Hooyo Seynab ayaa ugu baaqday Webseedad inay iska dhaafan ka dhex shaqeynta raga iyo dumarka is-qaba hadii arintaasi la waayo inay joojiyaan isticmaalka muuqaalka Dumarka soomaalida oo ay isticmaalan muuqaalka Dumarka fasahaada ah ee Galbeedka.

Wixii talo iyo tusaale ah E-mail kan noogu soo dir : ilwareed@gmail.com

    Leave a Reply

    Your email address will not be published.

    Magacaada

    Emailkaada


    Fikradaada halkan ku qor

    Live Somali Tvs

    ilwareed Tv

    Wararka

    Deg Deg: Man United oo si rasmi ah u ceyrisay tababare David Moyes April 22nd 2014

    David silva oo baaritaan lagu sameynayo ka dib markii xalay bareelo looga saaray garoonka April 22nd 2014

    Jose Mourinho: Real madrid ayaa weli ah kooxdeyda Spain April 22nd 2014

    Jurgen Klopp oo sidoo kale diirada u saaran Man United April 22nd 2014

    Van gaal oo sugaya shaqada man United Iyadoo ay soo dhow dahay in la Ceyriyo david Moyes. April 22nd 2014

    Hordhac: Atletico Madrid v Chelsea – Simieone iyo mourinho oo Semi-finalka Champions League isku Arkaya April 22nd 2014

    Liiska dhameystay ee rikooryada uu jabiyay Moyes intii uu Man United Macalin u ahaa April 21st 2014

    Jurgen Klopp: kuma biirayo barca, waan jeclahay dortmund April 21st 2014

    Boliiska oo baaraya fadeexad la xiriirta isticmaalka daroogada cocaine oo ka dhacday koox weyn oo England Ah April 21st 2014

    Sawirro:-Liverpool oo dhaw in ay horyaalka BPL qaaday ka dib guushii galabta April 21st 2014