Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Gudoomiye Tarsan oo furka tuurtay & Wareeysi aad u xiiso badan oo la la yeeshay (Daawo Muuqaal+Warbixin) !!

Posted By ilwareed on Tuesday, November 27th 2012 22:32 EAT

Dadka Soomaaliyeed lagama dhex waayo xag xagasho iyo hebel baa sidaan ah & qofka umadiisa wax u qabto oo inta badan lagu mucaarado wax qabadkiisa.Waxaa wareeysi aad u xiiso badan la la yeeshay Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo soo gaaray magaalada London ee caasimada dalka Ingiriiska. 

Gudoomiye Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo furka tuurtay ayaa waxa uu ka hadlay arimo u badnaa dhanka Amniga magaalada Muqdisho waxaana wareeysigiisa sidoo kale Su´aalo weeydiiyay dad qadka Telefoonka si Live ah u soo galay.

Qodabadii ugu muhiimsanaa ee uu ka hadlay Gudoomiye Tarsan ayaa waxaanu ka xusi karnaa dilkii Wariye Xiis,dhanka musumaasuqa,Raga dareeska ciidamada Dawlada wax ku dhaco,dhanka Dhaqaalaha gobolka Banaadir iyo Madaxda Caalamka kuwooda Dawlada kula shira garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho ee Aadan Cadde Airport iyo waliba dadka iska leh Guryaha Qaraxyada Shabaab laga soo abaabulo.

Qaab ahaan hadalada ama Jawaabta Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mr. Maxamuud Axmed Nuur Tarsan hadii aad si wanaagsan u dhuuxdo hadaladiisa waxaa kuu cadaaneeyso in uu qabtay isbadal fara badan balse wuxuu afkiisa ku qiray in dhanka Musumaasuqa ay Somalia ka gashay 3 sano oo xiriir ah kaalinta 1-aad waxaana sidaas dhoor jeer oo hore shaaciyay hay´adaha ku shuqulka leh ee Caalamka.

Magaalada Muqdisho ayaa marba marka ka dambeeysa waxaa aad u soo wanaagsanaanayo Amniga, ilaha dhaqaalaha iyo guud ahaan dhanka Nolasha Shacabka, waxaana sii yaraanaya Qaraxyadii iyo Xabadihii wiiftada ahaa ee maalin kasta laga dhex maqli jiray gudaha magaalada Muqdisho.

 

Wixii talo iyo tusaale ah E-mail kan noogu soo dir : ilwareed@gmail.com

    Leave a Reply

    Your email address will not be published.

    Magacaada

    Emailkaada


    Fikradaada halkan ku qor

    Live Somali Tvs

    ilwareed Tv

    Wararka

    Deg Deg: Man United oo si rasmi ah u ceyrisay tababare David Moyes April 22nd 2014

    David silva oo baaritaan lagu sameynayo ka dib markii xalay bareelo looga saaray garoonka April 22nd 2014

    Jose Mourinho: Real madrid ayaa weli ah kooxdeyda Spain April 22nd 2014

    Jurgen Klopp oo sidoo kale diirada u saaran Man United April 22nd 2014

    Van gaal oo sugaya shaqada man United Iyadoo ay soo dhow dahay in la Ceyriyo david Moyes. April 22nd 2014

    Hordhac: Atletico Madrid v Chelsea – Simieone iyo mourinho oo Semi-finalka Champions League isku Arkaya April 22nd 2014

    Liiska dhameystay ee rikooryada uu jabiyay Moyes intii uu Man United Macalin u ahaa April 21st 2014

    Jurgen Klopp: kuma biirayo barca, waan jeclahay dortmund April 21st 2014

    Boliiska oo baaraya fadeexad la xiriirta isticmaalka daroogada cocaine oo ka dhacday koox weyn oo England Ah April 21st 2014

    Sawirro:-Liverpool oo dhaw in ay horyaalka BPL qaaday ka dib guushii galabta April 21st 2014