Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Isku-aadka tartanka 2012 CECAFA Cup oo la sameeyay

Posted By ilwareed on Tuesday, November 13th 2012 08:14 EAT

Isku-aadka xulalka ka qeyb galaya tartanka kubbadda cagta ee dalalka Bariga iyo Bartamaha Afrika ayaa maanta lagu sameeyay magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda oo lagu qaban doono cayaaraha.

Xulka kubbadda cagta Soomaaliya ayaa ka mid ah 12 dal oo sanadkan ka qeybgalaya tartanka CECAFA. Jabuuti oo sheegtay inaysan sanadkan ka qeyb gali karin waxaa lagu beddelay Malawi.

Saddex is-arag (group) oo midkiiba ay ku jiraan afar dal ayaa loo qeybiyay xulalka. Wareegga labaad waxaa la qorsheeyay inay u soo gudbaan 8 dal, iyadoo labada xul ee ugu dhibcaha badan group kasta ay u gudbanayaan wareegga labaad, iyadoo xulalka gala kaalmaha saddexaad laga soo qaadan doono labada ugu dhibcaha badan.

Tartanka oo socon doona 24-ka November ilaa 8-da December ayaa xulalka waxaa la isugu aaddiyay sidan:

Group A: Uganda, Kenya, Ethiopia iyo South Sudan.

Group B: Sudan, Tanzania, Burundi iyo Soomaaliya.

Group C: Rwanda, Zanzibar, Eritrea iyo Malawi.

Dhammaan kulamada waxa ay ka dhici doonaan labo garoon oo ku yaalla magaalada Kampala oo lagu kala magacaabo Nmaboole Stadium, oo qaada 45 kun 202 qof iyo Nakivubo Stadium, oo qaada 15 kun oo qof.

Kulanka ugu horreeya ee furitaanka waxa uu 24-ka bishan November dhex mari doonaa Ethiopia iyo South Sudan.

Tartankaan waa kii 36-aad oo ay CECAFA qabato tan iyo markii la billaabay sanadkii 1973-kii.

Uganda oo martigelinaya tartanka sanadkaan waa dalka heysta ama difaacanaya oo ku guuleystay isla koobkan sanadkii hore 2011, sidoo kale waa xulka koobabka ugu badan ku guuleystay wuxuuna qaaday 12 jeer.

South Sudan waxay u tahay markii ugu horreysay tartanka CECAFA.

Soomaaliya waa markii 22-aad oo ay tartankaan ka qeyb galeyso.

Kulanka ugu horreeya ee xulka qaranka Soomaaliya wuxuu la cayaari doonaa Burundi 25-ka November, kulanka labaad waxa ay is arki doonaan Sudan 28-ka November, halka kulankooda ugu dambeeya ee qeybta B ay 1-da December ku kulmi doonaan Tanzania.

Xulka Soomaaliya oo lagu naaneyso ‘Ocean Stars” ayaa jimcadii (9-ka bishaan) u duulay Uganda halkaas oo uu tababar ku qaadanayo.

Tartanka sanadkaan waxaa lagu magacaabay CECAFA Tusker Challenge Cup, kaddib markii ay shirkadda Tusker qaadatay qandaraaska maalgelinta tartanka ee sanadkan.

Wixii talo iyo tusaale ah E-mail kan noogu soo dir : ilwareed@gmail.com

    Leave a Reply

    Your email address will not be published.

    Magacaada

    Emailkaada


    Fikradaada halkan ku qor

    Live Somali Tvs

    ilwareed Tv

    Wararka

    Mourinho oo loo ogolaaday inuu liverpool kala hortago ciyaartoydiisa kaydka‏. April 24th 2014

    Wenger oo go,aansaday inuu iska sii joogo Arsenal. April 24th 2014

    Beckenbauer oo aan ku qanacsanayn taatikada guardiola April 24th 2014

    Ronaldo:”waxaa jiray dad aan doonayn inaan ka hortago bayern munich April 24th 2014

    Sturridge:”waxaan noqon doonaa qof waalan hadii aan gool ka dhaliyo Chelsea April 24th 2014

    Muxuu ka yiri ancelotti guushii ay ka gareen bayern munich? April 24th 2014

    Kubada gacanta ee guardiola iyo taatikadii macalinka talyaani April 24th 2014

    Adnan januzaj oo la sheegay inuu si rasmi ah ugu ciyaari doono xulka qaranka Belgium April 24th 2014

    Deg Deg: Man United oo si rasmi ah u ceyrisay tababare David Moyes April 22nd 2014

    David silva oo baaritaan lagu sameynayo ka dib markii xalay bareelo looga saaray garoonka April 22nd 2014