Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Maxaad ka ka taqaan Xabsiga ugu Nolosha Wanaagsan Dunida iyo Halka uu ku yaalo(Daawo Sawirada Raaxada Xabsigaasi)

Posted By ilwareed on Tuesday, November 27th 2012 22:14 EAT

Xabsigaan waxaa la dhisay sanadaan gaba gabada ah ee 2012-ka Waxaana lagu magacaabaa HALDANE oo ku yaala wadanka Norway waxaan uu siwayn uga duwan yahay Xabsiyada ka jira inta badan caalamka , waxaan uu leeyahay Qalab diyaarsan oo ay maxaabiistu ku madadaalaan inta ay xabsiga ku jiraan.

Waxyaabaha uu leeyahay Xabsigan Cusub ayaa waxaa ka mida Talefashin, Talaajad, Qalabka Muusikada, gtaroomo lagu ciyaaro ,dukaamo iyo waxyaabo kale Dowlada dalkaasi Norway ugu tala gasahy maxaabiista ku xiran Xabsigaasi .

Waxaa sidoo kale Dowlada Norwey Maxaabiista ku jirta Xabsiga HALDANE mid kasta oo ka mida u qoondeesay in uu qaato lacag dhan 185 -doolar, waxaan uu qaadaa xabsiga 250 maxbnus, waxaana ka shaqeeya 340 Shaqaale ah.

Dadka ku xiran looma moodo in ay maxaabiis yahiin waxaana ay ku socdaan dhul kayn ah , intaasina ay sii dheertahay in ruux kasta oo ka mida Maxaabiista uu maalinkii helayo hal saac iyo bar uu ku cayaaro kubada cagta iyo kubadaha kale uu xiiseeyo.

Nolosha ay maxaabiista ku nool yahiin ayaa u eg mid caadi ah oo aysan xataa haysan qaar ka mida dadka xuriyada ku nool meelo ka mida dunida ,waxaana loo aqoonsaday Xabsigan midka ugu nolosha fiican Xabsiyada Dunida.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Wixii talo iyo tusaale ah E-mail kan noogu soo dir : ilwareed@gmail.com

    Leave a Reply

    Your email address will not be published.

    Magacaada

    Emailkaada


    Fikradaada halkan ku qor

    ilwareed Tv