Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

QISO DHAB AH: Aniga oo isku diyaariyay galbiska arooskeyga ayuu I furay !!!

Posted By ilwareed on Sunday, November 25th 2012 17:20 EAT

Samsam C/llahi waxa ay kamid tahay Dumarka kunool Xaafadda Bakaaraha waxa ay ku aqal gashay isla xaafada Suuqa bakaaraha taariikhda marka ay ahayd 23/10/2012,

Samsam C/llahi oo la hadleysay warbaahinta Ilwareed ayaa u sheegtay in ninkeeda uu furay xili ay ku guda jirtay isu diyaarinta galbiska arooskeda waxaana qeyb kamid ah Gurigeeda ka socday alalaaska iyo mashxarada arooskeda

Samsam C/llahi waxaa ay sheegtay inaysan garaneynin sababihii kadanbeysay in la furo iyada oo u diyaar garoobeyso galbiska arooskeeda balse waxa ay aaminsantahay Samsam oo degan Bakaaraha in ninkeeda lagu diray, islamarkaana ay kusoo direen ehelka ninka dhalay hayeeshe waxa uu furay xili ay soctay farxada arooska

Samsam waxa ay shabakada Ilwareed u xaqiijisay in arooska uu ku bilowday farxad iyo Mashxarad balse gabagabadiisa ay noqotay mid muruga leh

Ugu danbeyntii Samsam C/llahi waxa ay sheegtay inaysan ku deg degi doonin guur aan laga fiirsan waxa ayna meesha ka saartay in ragu ay yihiin kuwa aan la’aamini karin sida ay hadalka u dhigtay.

Wixii talo iyo tusaale ah E-mail kan noogu soo dir : ilwareed@gmail.com

    Leave a Reply

    Your email address will not be published.

    Magacaada

    Emailkaada


    Fikradaada halkan ku qor

    ilwareed Tv