Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Waa maxay hunqaaco? Maxaase dhaliya Hunqaacada?

Posted By ilwareed on Friday, November 9th 2012 20:16 EAT

Hunqaaco waa marka caloosha waxa ku jira banaanka la keeno. Hunqaacadu carruurta yaryar iyo kuwa kurayga ahba caadi ayey u tahay.

Caruurtu si sahlan ayey u hunqaacaan marka la dhinac
dhigo dadka qaangaarka ah. Badanaa, waxay hunqaacaan hal mar ama laba jeer dabadeedna caadi bay ku soo noqdaan. Haddii ilmahaagu u muuqdo
qof ladan, hunqaacadu maaha wax laga welwelo oo weyn.

Hanjaleelada ama diliqu waa marka ilmuhu wax yar soo celiyo ka dib marka ilmaha caanaha la siiyo .

Matag waa marka ilmuhu si xoogan caloosha uga soo tuuro wixii la siiyey. Qadarka caanaha ama cuntada ah oo dhulka yaallaa waxay u muuqan karaan wax badan, laakiin badanaa waa intii ugu dambeysey oo  la siiyey.

Ilmahaagu wuxuu yeellan karaa matag tuuryo ah marmarka qaarkood, laakiin hadday dhacdo labo ama saddex jeer maalintii, arag dhaktarkaaga.

Maxaa dhaliya Hunqaacada?

Hunqaacada waxaa dhalin kara:

•     Infakshan sahlan, sida xalool xannuun, hargab, ama infakshanka dhegaha.
•     Gastro-oesophageal reflux.
•     Xannuunka la xiriira safarka baabuurta.

Mararka qaarkood hunqaacado waa qayb ka mid ah xannuun ba’an. Carruurtu waxaa laga yaabaa inay hunqaacdo haddii ay qabaan infashan, meninjaytis, quman, nimooniya ama qaarjeex, qabsin ama xannuuna kale sida neef ama saxarada oo ku adkaata.

Waxaad qaban karto

Haddii ilmahaagu hunqaaco hal mar ama laba jeer, waxaa laga yaabaa inay gaajoodaan sidaas darteed cunto ama cabitaan.
Haddii ilmahaagu wado hunqaacada una muuqdo mid aan fiyoobayn, arag
dhakhtarkaaga. Carruurta yaryar ama kuwa koran ayaa noqon kara kuwa jirkoodu engegan yahay waxaana keenaya hunqaacada. Si looga hortago hunqaacada waxaad siin kartaa cabitaan badan si yaryar. Waxaad kaloo siin kartaa cabitaan saafi ah(biyaha saafida ahi hoos ayay ku qoran yihiin).

Ilaa dhakhtar ku taliyo ha isticmaalin daawooyinka si aad hunqaacada u joojiso.

Tallaabooyinka soo socda ayaa la qaadayaa si cabitaan ilmaha loo siiyo.

•     Ilmuhu mar kasta oo uu hunqaaco cabitaan sii.
•     Ilmaha koran sii cabitaan gaaraya (150 ilaa 200 ml) mar kasta oo ilmuhu hunqaaca weyn hunqaaco.
•     Sii hadba wax yar oo cabitaana haddii ilmahaagu aad u hunqaacayo (af buuxa 15kii daqiiqaba hal mar).

Waa maxay soo-celintu?

Sooc-celintu(gastrooesophageal) waa nooc hunqaaca ah oo carruurta ku
badan, badanaana dhib ma laha. Soo-celintu waxay dhacdaa marka daboolaha caloosha kore furmo waqti aan loo baahnayn waxa caloosha ku jiraana ka soo noqdaan.

Soo-celinta, caloosha waxa ku jira ayaa si tartiiba u soo noqda. Inta cuntada ah, iyo sida xoogga ah ee ku soo baxaysaa waxay ku xiran tahay inta caloosha ku jirta waqtigaas. Qadarka cuntada ah ee la soo celiyey waa yaraan karaan waana badnaan karaan, laakiin badanaa ma keeno
dhibaato aan ka ahayn nadiifinteeda.

•     Cabitaan—- saafi ah La khafiifiyey .
•     Gastrolyte—- U samee sida lagu qoray qardaaska dushiisa. Waxaa laga iibsan karaa farmashiiga agtaada ah.
•     Sonkor qasan(sucrosa) —- Hal malgacad oo sonkora lagu daray hal koob oo biya ah (240 ml).
•     Kordiyal (maaha kuwa kalorigoodu hooseeyo) —- 1/2 koob koordiyal ah oo lagu daray 8 koob oo biya ah.
•     Lemonada (maaha tan kalorigeedu hooseeyo)— Hal malgacad oo liina oo lagu daray 4 koob oo biya ah.
•     Cabitaanka furutka (mid dabiici ah) —Hal malgacad oo biya ah oo lagu daray 4 malgacadood oo biya ah.

Soo-celinta sahlan waxaa badanaa loo qaataa inay tahay diliq keliya. Carruuraha qaarkood waxaa dhici karta inay yeeshaan diliq joogta ah
inta cunooyinka u dhexaysa. Carruuraha dilqa badankood yaqyaqsi ma laha caadi ahaana dhib ma qabaan, waxayna u muuqdaan kuwa ladan in kastoo ay hunqaacayaan. Waxaana laga filaa inay ka koraan soo-celinta markay
socodka bilaabaan.

Si kasta ha ahaatee, soo-celintu mararka qaarkood waxay muujinaysaa  astaama dhibeed sida kuwa hoos ku qoran.

Haddii kuwaan mid ka mid ahi dhacdo, arag dhakhtarkaaga.

•     Miisaanka oo ka dhaca quudinta oo yaraata darteed.
•     Laab jeex ama laabta oo hulacda ama xannuunta aysiidka caloosha ka soo baxaya dartiis. Carruurta oo laga yaabo inay ka muuqato xasilooni la’aan markay wax cunaan ka dib, ama marka ay jirjirka ama jeegada u jiifaan
•     Qufac, saxasho ama neefsiga oo adkaada.
•     Hunqaacida dhiig, xataa wax aad u yar.

Sidee soo-celinta loo daaweeyaa?

Soo-celinta sahlan ee ilmuhu wax soo celinayo badankeed uma baahna daaweyn maadama ay wax caadi ah tahay. Waxaa laga yaabaa qadarka hunqaacada ah in la yarayn karo haddii la bedelo ilmaha sida loo hayo marka wax la siinayo ama ilmuhu jiifo.

Waxaa laga yaabaa in dhakhtarkaagu soo jeediyo in siyaalla kala duwan loo qabto ilmaha xagga quudinta iyo jiifka taas oo ku haboon ilmaha.

Tallooyinka guud oo la soo jeedinayo waxaa ka mid ah:
•     Quudinta ilmaha iyadoo ilmaha madaxiisu kor jiro.
•     In kor loo hayo ilmaha quudinta ka dib, tani waxay ilmaha ka celinaysaa inuu isrogrogo.
•     In aadan cunuga ruxin kuna hayso meel degan.
•     Ku qabo ilmahaaga dhinaca bidix iyadoo garabka hoose horay jiro. Isku lab  shukumaan yar dhigna labada dhinacba, si looga ilaaliyo inay caloosha u jiifsadaan (booskaan waxaa ku talin kara dhakhtarkaaga).

Tira carruura oo aad u yar, soocelintu waxay noqon kartaa mid aad u adag mana soo fiicnaadaan. Soo-celinta aad u darni waxay u baahan tahay in dib loo derso oo uu baaro dhakhtarka carruurtu.

Daawooyinka uu soo qoray dhakhtarku ayaa laga yaabaa inay anfacdo soo-celinta ayna hoos u dhigto qadarka aysiidhka ah.

Sida loo dejiyo ilmahaaga

Deji ilmahaaga haddii uu dhiban yahay. Haddii ilmahaagu aanu deganayn una muuqdo inuu xannuunsan yahay, isku day inaad caano ama cunto siiso. Cabitaanadani waxay caawimi doonaan inay dhaqaan aysiidhka caloosha ku
harsan. Waxaa laga yaabaa in dhakhtarkaakgu ku taliyo inaad qaadato daawada aysiidhka si ku meel gaara.

Xaalladaha sahlan, adkaynta quudinta ayaa laga yaabaa inay caawinto. Tani way adag tahay xagga naasnuujinta ilmaha, waxaana laga yaabaa inay
keento dhibaata ka badan wax tarkeeda. Carruurta dhalada wax lagu siiyo, oo ka weyn 3 bilood, ayaa caanaha loogu adkayn karaa bur ama adkeeyaha cuntada carruurta.

Meesha laga hello macluumaad intaas ka badan.

•     Dhakhtarkaaga.

•     Kalkaaliyaha caafimaadka hooyada iyo ilmaha.

•     Qaybta Xaalladaha degdega ah ee Isbitaalka agtaada ah.

Xigasho: afgoi.net

Wixii talo iyo tusaale ah E-mail kan noogu soo dir : ilwareed@gmail.com

    Leave a Reply

    Your email address will not be published.

    Magacaada

    Emailkaada


    Fikradaada halkan ku qor

    ilwareed Tv