Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Xiddiga Asalkiisa Soomaaliga Yahay Islam Feruz Oo Lagu Sadaaliyay Inuu Noqon Doono Mashiinka Goolasha Scotland.

Posted By ilwareed on Sunday, November 11th 2012 09:34 EAT

Madaxa dhiraandhirinta qaab ciyaareedka ee xiriirka kubada cagta Scotland Mark Wotte ayaa sadaaliyay in Islam Feruz uu noqon doono mashiinka goolasha ee xiga ee xulka Scotland, ka dib markii ciyaaryahanka ku jira kooxda juunyeerka Chelsea uu bilowgii isbuucaan seddexleey u dhaliyay xulka 19 jirada Scotland.

17 jirkaan asalkiisa Soomaaliga yahay ayaa ahaa xiddiga ciyaarta iyadoo da’da yarta Scotland ay 4-2 ku garaaceen xulka Switzerland.

Waxaana ay taasi u xaqiijiyay da’da Scotland inay u sarre maraan group-kooda isreebreebka koobka qaramada yurub ee da’da yar.

“Iyadoo maskaxda saxan la isticmaalyo iyo hogaan fiican iyadoo loo adeegsanayo, Islam waxa uu leeyahay awooda uu ku noqdo gooldhaliyaha xiga ee Scotland” ayuu yiri agaasimaha qaab ciyaareedka Watte.

Feruz ayaa ku biiray Chelsea 2011dii, ka dib markii uu iska diiday inuu heshiis rasmi ah la galo Celtic, kuwaasoo ka caawiyay isaga iyo qoyskiisa inaan dib loogu celin wadankooda Somalia markii uu qeyb ka ahaa akadeemigooda.

 

Waxa uu u ciyaari karaa Scotland madaama uu wax ku bartay, laakiin waxa uu hore bogiisa Twitter ugu soo qoray inuu jeclaan lahaa inuu ka ciyaaro koobka qaramada Afrika hadii Soomaaliya ay u soo bixi laheyd.

Si kastaba, ka dib markii uu seddexleey ka dhaliyay bilowgii isbuucaan xulka Switzerland, Feruz ayaa u sheegay website-ka xiriirka kubada cagta Scotland: “Xaqiiqdii waan ku riyaaqaa inaan u ciyaaro Scotland.

“Si fiican ayaan u aqaanaa ciyaartoyda intooda badan oo aan isla joognay Celtic, waana ay yaqaanaan qaabka aan jeclahay inaan u ciyaaro.

“Waxaan dareemayaa waxa ugu fiican inaan dhaliyo seddex gool, laakiin waxaa si gaar ah u sii fiican inaan badinay dhamaan seddexdeena kulan.”

Islam Feruz ayaa shalay sidoo kale ka qeyb qaatay kulan saaxiibtinimo oo albaabada u xiran yihiin oo ay kooxdiisa Chelsea la ciyaartay Arsenal, isagoo dhaliyay mid ka mid ah labadii gool ee ay ku badisay Chelsea.

Wixii talo iyo tusaale ah E-mail kan noogu soo dir : ilwareed@gmail.com

    Leave a Reply

    Your email address will not be published.

    Magacaada

    Emailkaada


    Fikradaada halkan ku qor

    ilwareed Tv