Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Xulka Soomaaliya Oo Guuldarro Ku Bilaabatay Koobka Bariga Iyo Bartamaha Afrika (Faahfaahinta Ciyaarta).

Posted By ilwareed on Sunday, November 25th 2012 16:19 EAT

Xulkeena Soomaaliya ayaa kulankii ugu horeeyay ee koobka bariga iyo bartamaha Africa ee group-kiisa B waxa ay ku bilowdeen guuldarro, iyadoo guuldarro 5-1 ah ay ka soo gaartay xulka Burundi, inkastoo Soomaaliya ay soo bandhigtay ciyaar wanaagsan.

Xulka dalkeena Soomaaliya ayaa ciyaarta ku bilowday si carcar leh iyagoo fursado goolka banaanka ah helay islamarkaana fursad kale birta ay kaga dhacday, iyadoo garoonka Nambole Stadium ay soo xaadireen taageerayaal badan oo Soomaali ah.

Laakiin xulka Burundi ayaa hogaanka ciyaarta qabtay daqiiqadii 34aad ee ciyaarta markii laad xor ah oo ay tuurteen oo soo laabtay uu ku celiyay ciyaaryahan Nduwaragira.

Waxaana Burundi u labeeyay ka hor qeybtii hore ee ciyaarta ciyaaryahan Yusuf Ndikumana oo laad xor ah oo toos ah ka dhaliyay Soomaaliya iyadoo qeybtii hore lagu kala nastay 2-0 oo hogaanka looga hayay xulka Soomaaliya.

Qeybtii labaad ee ciyaarta daqiiqadii 51aad ayaa xulkeena Ocean Stars waxa ay soo ceshteen gool ka dib markii ciyaaryahan Jabrill Hassan uu rigoore u sarifay gool. Iyadoo sawaxanka garoonka uu hal mar isla qabsaday madaama taageerayaasha ugu badan ee ka soo qeybgalay ay ahaayeen Soomaali.

Laakiin Burundi ayaa hogaanka ciyaarta sii dheereysatay markii ay heleen goolka seddexaad daqiiqadii 78aad ee ciyaarta oo uu dhaliyay kabtankooda Suleyman Ndikumana.

Waxaa Burundi ay fursad u sii heshay goolka afaraad oo uu u dhaliyay C.Ndikumana daqiiqadii 83aad, halka kabtankooda Suleyman Ndikumana uu dhaliyay goolkiisii labaad ahna goolkii shanaad ee xulka Burundi daqiiqadii 88aad.

Qaladaad uu sameeyay goolhayaha da’da yar ee  xulka qaranka Soomaaliya iyo daafacyada xulka ayaana ugu wacnaa goolasha tirada badan ee ay dhalisay xulka Burundi.

Soomaaliya ayaa u baahan inay natiijo ka gaarto labada kulan kale ee u haray si ay u xaqiijistaan booskooda wareega xiga ee koobka Cecafa.

Xulka dalkeena Soomaaliya ayaa kulanka labaad ee group B waxa ay arbacada soo socota la ciyaari doonaan xulka Sudan.

Halka kulanka labaad ee maanta ee Group B ay fooda isgeli doonaan xulalka Tanzania iyo Sudan.

Kulankii kale ee shalay la ciyaaray, ciyaar xiiso badan ayaa waxa ay dhex martay xulalka Kenya iyo Uganda oo kuwada jira Group A, waxaana 1-0 ku badisay xulka martida loo yahay ee Uganda.

Group A waxaa haatan seddex dhibcood kuwada hogaaminaya Ethopia oo 1-0 kaga badisay South Sudan iyo Uganda oo ka talaabsatay Kenya.

 

Wixii talo iyo tusaale ah E-mail kan noogu soo dir : ilwareed@gmail.com

    Leave a Reply

    Your email address will not be published.

    Magacaada

    Emailkaada


    Fikradaada halkan ku qor

    ilwareed Tv