Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Afhayeenkii wasaarada arrimaha dibadda Siiriya oo ka goostay dowlada Siiriya

Posted By ilwareed on Wednesday, December 5th 2012 14:38 EAT

Warar aan la xaqiijin oo laga helayo dalka Siiriya ayaa sheegaya in Afhayeenkii wasaarada arimaha dibada Siiriya uu ka goostay dowlada Siiriya.

Wararka ayaa sheegaya in Jihad Makdisi afhayeenkii wasaarada arimaha dibada dowlada Siiriya uu ka goostay dowlada madax wayne Bishaar Al Asad isla markaasina uu gaaray magaalada London ee dalka Britain.

kuxigeenka madaxa golaha Qaran ee dalka Siiriya Wael Merza ayaa sheegay in mr Makdissi uu gaaray magalada London ee dalka Britain taasi oo aysan wali kala cadayn inuu ka goostay dowlada iyo in shaqada laga cayriyay.

Telefeshinka Al Manar ee xaruntiisu tahay dalka Lubnaan ayaa isna sheegay in Mr Makdissi shaqada laga cayriyay kadib markii uu sameeyay bayaan aan ka turjumaynin qorshaha wadanka Siiriya.

Mr Jihad Makdisi afhayeenkii wasarada arimaha dibada ee dalka Siiriya ayaan wax qabadkiisa waxii ka danbeeyay Bishii July lagu arkin goobaha shirarka jaraa’id iyo hadalo uu jeediyo intaba.

Wariyayaasha ku sugan dalka Britain ayaa iyagana sheegaya in xitaa arinta goosashada mr Makdissi aysan saraakiisha dowladda Britain xaqiijin, iyadoo mr Makdissi uu inta badan ka hadli jiray shirarka Jaraa’id ee Dimishiq isagoo sidoo kale diirada ku saari jiray shirarkiisa Jaraa’id jawaabta ay dowlada Siiriya ka bixinayso rabshadaha ka dhanka ah madaxwayne Bishaar Al Asad.

Wixii talo iyo tusaale ah E-mail kan noogu soo dir : ilwareed@gmail.com

    Leave a Reply

    Your email address will not be published.

    Magacaada

    Emailkaada


    Fikradaada halkan ku qor

    Live Somali Tvs

    ilwareed Tv

    Wararka

    Mourinho oo loo ogolaaday inuu liverpool kala hortago ciyaartoydiisa kaydka‏. April 24th 2014

    Wenger oo go,aansaday inuu iska sii joogo Arsenal. April 24th 2014

    Beckenbauer oo aan ku qanacsanayn taatikada guardiola April 24th 2014

    Ronaldo:”waxaa jiray dad aan doonayn inaan ka hortago bayern munich April 24th 2014

    Sturridge:”waxaan noqon doonaa qof waalan hadii aan gool ka dhaliyo Chelsea April 24th 2014

    Muxuu ka yiri ancelotti guushii ay ka gareen bayern munich? April 24th 2014

    Kubada gacanta ee guardiola iyo taatikadii macalinka talyaani April 24th 2014

    Adnan januzaj oo la sheegay inuu si rasmi ah ugu ciyaari doono xulka qaranka Belgium April 24th 2014

    Deg Deg: Man United oo si rasmi ah u ceyrisay tababare David Moyes April 22nd 2014

    David silva oo baaritaan lagu sameynayo ka dib markii xalay bareelo looga saaray garoonka April 22nd 2014