Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Ciidamo Katirsan Dowlada Oo Caawa Dhacdooyin Naxtin Leh Ka Gaystay Degmo Katirsan Gobolka Banaadir

Posted By ilwareed on Wednesday, December 5th 2012 22:48 EAT

Rag Hubeesan oo ku labisan Dareeska Ciidanka Dowlada Soomaaliya ayaa caawa dhacdo Xanuun badan waxa ay ka geesteen Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir .

Ragam Hubeesnaa dareeska Ciidankana watay ayaa dhac saf mar ah waxa ay ka geesteen Goobo ganacsi oo kuyaala Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir iyagoona cagta mariyay waxii dad ah ay arkeen iyo goobihii ganacsi ay gudaha u galeen Ragaasi Hubeesnaa.

Kooxaha Dhaca geestay ayaa sidoo kale waxa ay dileen Haweeney Uur laheed oo kamid aheed dadka Degmada Kaxda ee Gobolka Banadair iyagoona Kooxahaasi markii ay dilka geesteen ay Degmadaasi ka baxeen dibna ugu laabteen halkii ay ka yimaadeen.

Dadka ku dhaqan Degmada Cusub ee Kaxda ayaana aad uga murgay dhacadadan caawa ka dhacday Degmadooda iyagoona Dowlada Soomaaliya ugu baaqday in arimaha nuucaan ah ay soo fara galiso sidoo kale degmada la keeno Ciidamo Booliis iyo Nabad sugida ee ilaaliya amaanka shacabka kunool Degmadaasi.

Xaalada Degmada Kaxda ayaana caawa xiligii ay ragaasi hubeesnaa kujireen waxa ay noqotay mid lagu kala cararay ay dadku guryaha isku soo wada xireen iyadoona hada xaalkeeda ay dagan yahay dadkuan isweediinayaan waxii ay faleen ragii hubeesnaa ee watay Dareeska Ciidank a kuan soo qamaaya Degmadan Cusub ee Gobolka Banaadir dhawaan lagu biiriyay.

Wixii talo iyo tusaale ah E-mail kan noogu soo dir : ilwareed@gmail.com

    Leave a Reply

    Your email address will not be published.

    Magacaada

    Emailkaada


    Fikradaada halkan ku qor

    ilwareed Tv