Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Dhimashada Ay Sababtay Dabaysha Typhoon-ka Bopha ee ku dhufatay dalka Philippine oo sii korortay

Posted By ilwareed on Wednesday, December 5th 2012 14:36 EAT

 Wararka ka imaanaya dalka Philippine ayaa sheegaya in tirada dadka ku dhintay dabayshaasi Bopha ee ku dhufatay koonfurta  Philippine ay gaartay 43 qof oo qaarkood ay ku dumeen guryo ay gabaad ka dhigteen.

Dabaysha ayaa wadatay roobab xoogan oo dhaliyay daadad kuwaasi oo wali qasaaraha ay gaysanayaan ay kasii socdaan koonfurta dalka Philippine.

Dabaysha Typhoonka ee Bopha ayaa saamayn xun  ku yeelatay dad badan oo ku sugnaa Jasiirada Mindanao ee dalkaasi,  iyadoo kumanaan dad ah ay kooxaha gurmadka degdega ah samatabixiyeen.

Gobolka bariga ee Jasiirada Mindanao ee Davao Oriental ayaa la sheegayaa inay sidoo kale daadadkaasi saameeyeen iyadoo tirada dhimashadana ay u dhaxayso 30 ilaa iyo 50 ruux.

Dabaysha ayaa haatan u gudubtay dhinaca galbeedka dalkaas Jasiirada ku taala ee Palawan, halkasi oo dad aad u badan ay ka cabsi qabaan inay saamayn ku yeelato waxaana dadka looga digayaa inay feejignaadaan.

Dadka waxyeelada ugu badan ay soo gaartay ayaa ah dadkii deegaanka Andap ee gobolka Bataan halkaasi oo dadka inta badan ay waxyeeladu ka soo gaartay daadadka ku dhuftay.

Militeriga dalka ayaa rajaynaya inay dadka ku go,doonsan goobaha ay xanibeen daadadka iyo burburka kale ee guryaha iyo wadooyinka dalkaasi ay u diri doonaan diyaaradaha qumaatiga u kaca, si dadka u soo badbaadiyaan.

Wixii talo iyo tusaale ah E-mail kan noogu soo dir : ilwareed@gmail.com

    Leave a Reply

    Your email address will not be published.

    Magacaada

    Emailkaada


    Fikradaada halkan ku qor

    Live Somali Tvs

    ilwareed Tv

    Wararka

    Mourinho oo loo ogolaaday inuu liverpool kala hortago ciyaartoydiisa kaydka‏. April 24th 2014

    Wenger oo go,aansaday inuu iska sii joogo Arsenal. April 24th 2014

    Beckenbauer oo aan ku qanacsanayn taatikada guardiola April 24th 2014

    Ronaldo:”waxaa jiray dad aan doonayn inaan ka hortago bayern munich April 24th 2014

    Sturridge:”waxaan noqon doonaa qof waalan hadii aan gool ka dhaliyo Chelsea April 24th 2014

    Muxuu ka yiri ancelotti guushii ay ka gareen bayern munich? April 24th 2014

    Kubada gacanta ee guardiola iyo taatikadii macalinka talyaani April 24th 2014

    Adnan januzaj oo la sheegay inuu si rasmi ah ugu ciyaari doono xulka qaranka Belgium April 24th 2014

    Deg Deg: Man United oo si rasmi ah u ceyrisay tababare David Moyes April 22nd 2014

    David silva oo baaritaan lagu sameynayo ka dib markii xalay bareelo looga saaray garoonka April 22nd 2014