Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

“Dowladaha Jabuuti iyo Ethiopia waxey naga taageerayaan dhismaha ciidamada” Wasiirka Gaashaandhigga.

Posted By ilwareed on Saturday, December 1st 2012 08:27 EAT

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya oo faah faahin ka bixiyay kulammo uu la soo qaatay wasiirrada Gaashaandhigga Dalalka Jabuuti iyo Ehtiopia ayaa sheegay in labadaasi dowladood ay Soomaaliya ka taageeri doonaan dib u dhiska Ciidammada Qalabka Sida iyo la dagaalanka argigixisada.

Mudane C/xakiin Xaaji Fiqi Wasiirka Gaashaandhigga Somalia  oo qeyb ka ahaa wafdigii uu hogaaminayay Madaxweynaha J. F.Somalia ee soo booqday waddamada Jabuuti iyo Ethiopia, ayaa faahfaahin ka bixiyay kulamo uu la soo qaatay wasiirrada Gaashaandhigga ee waddamadaasi,  isagoo hoosta ka xariiqay in labadaasi dalba ay dowladda ka taageeridoonaan dhismaha ciidamada iyo la dagaallanka argagixisada.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa hoosta ka xariiqay in uu kulamo la soo qaatay wasiirrada Gaashaandhigga wadamada Jabuuti iyo Ethiopia,  isagoo carrabka ku adkeeyay in wasiirrada Labada dalka uu kula heshiiyay in ay dowladda ka taageeraan dhismaha ciidamada iyo la dagaallanka argagixisada iyo iskaashi ku aadan horumarinta iyo tayeeynta ciidamada XDS.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa dadaal ballaaran ugu jirta dib u dhiska iyo tayeeynta ciidamada XDS si loo soo celiyo awoodii iyo sharaftii lagu yaqaanay ciidamadeena iyagoo tabar iyo awoodba u yeelan doona xoreynta dalka oo dhan.

Wixii talo iyo tusaale ah E-mail kan noogu soo dir : ilwareed@gmail.com

    Leave a Reply

    Your email address will not be published.

    Magacaada

    Emailkaada


    Fikradaada halkan ku qor

    Live Somali Tvs

    ilwareed Tv

    Wararka

    Kubada gacanta ee guardiola iyo taatikadii macalinka talyaani April 24th 2014

    Adnan januzaj oo la sheegay inuu si rasmi ah ugu ciyaari doono xulka qaranka Belgium April 24th 2014

    Deg Deg: Man United oo si rasmi ah u ceyrisay tababare David Moyes April 22nd 2014

    David silva oo baaritaan lagu sameynayo ka dib markii xalay bareelo looga saaray garoonka April 22nd 2014

    Jose Mourinho: Real madrid ayaa weli ah kooxdeyda Spain April 22nd 2014

    Jurgen Klopp oo sidoo kale diirada u saaran Man United April 22nd 2014

    Van gaal oo sugaya shaqada man United Iyadoo ay soo dhow dahay in la Ceyriyo david Moyes. April 22nd 2014

    Hordhac: Atletico Madrid v Chelsea – Simieone iyo mourinho oo Semi-finalka Champions League isku Arkaya April 22nd 2014

    Liiska dhameystay ee rikooryada uu jabiyay Moyes intii uu Man United Macalin u ahaa April 21st 2014

    Jurgen Klopp: kuma biirayo barca, waan jeclahay dortmund April 21st 2014