Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

GROUP E: Chelsea Oo Guul Macsalaameysay Champion League Iyo Juve Oo U Gudubtay Wareega 16ka.

Posted By ilwareed on Thursday, December 6th 2012 03:58 EAT

Kooxda Chelsea ayaa noqotay kooxdii ugu horeysay ee iyadoo heysata koobka Champions League ku harta wareega group-yada taariikhda Champions League, halka Juventus ay kula biirtay Shakhtar Donestk wareega 16ka.

Chelsea oo ku guuleystay Champions League markii ugu horeysay xilli ciyaareedkii hore ayaa xilli ciyaareedkan awoodi weysay inay dhaafto wareega group-yada waxaana ay haatan ka ciyaari doonaan koobka Europa League.

Chelsea ayaa kooxda Nordsjælland waxa ay kaga badisay 6-1 laakiin natiijadoodaas waxba uma aysan soo kordhin oo waxa ay ka hareen Champions League.

Chelsea ayaa daqiiqadii 31aad ee ciyaarta lagu helay rigoore markii uu kubad gacanta ku taabtay Gary Cahill, laakiin rigoorada oo uu u tuuray kooxda Nordsjælland ciyaaryahankooda ugu da’da weyn Stokholm ayaa waxaa ka badbaadiyay goolhayaha Peter Cech.

Labo daqiiqo ka dib Chelsea iyada ayaa heshay rigoore markii Nordsjælland ay iyagana markooda kubad gacanta ku taabteen, Eden Hazard ayaa u soo istaagay balse isna waxaa ka badbaadiyay goolhaye Hansen.

Seddex ka daqiiqo ka dibna Chelsea ayaa rigoore kale loo dhigay markii Nordsjælland ay mar kale kubad gacan ku taabteen, markaana waxaa u soo istaagay David Luiz oo si fiican shabaqa ugu hubsaday islamarkaana kooxdiisa Blues hogaanka u dhiibay.

Fernando Torres oo abaar dhanka goolasha ay heysay ayaana Chelsea u labeeyay dhamaadkii qeybtii hore ee ciyaarta.

Bilowgii qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa kooxda reer Denmark ay ciyaarta ku soo laabatay ka markii ay hal gool soo ceshteen taasoo ciyaarta ka dhigtay 2-1.

Gary Cahill ayaana Chelsea u sii dheereeyay hogaankooda ka dib markii uu madax ku dhaliyay laad xor ah oo uu soo tuuray Juan Mata.

Fernando Torres ayaana gool labaad dhaliyay daqiiqadii 56aad taasoo ciyaarta ka dhigtay 4-1 oo Chelsea ay hogaanka ku heysay.

Ciyaaryahanka ugu goolashada badan Chelsea xilli ciyaareedkan Juan Mata ayaana u shaneeyay kooxda Chelsea daqiiqadii 63aad ee ciyaarta.

Waxaana goolka lixaad Chelsea u dhaliyay ciyaaryahan Oscar daqiiqadii 71aad ee ciyaarta.

Chelsea ayaana guushii ugu horeysay gaartay tan iyo intii uu macalin u noqday Rafa Benitez, laakiin guushooda waxaa hal bacaad lagu lisay ka dhigtay kooxda Juventus oo guul ka gaartay kooxda Shakhtar Donestk.

Juventus waxaa hogaanka u dhiibay ciyaaryahan Giovinco oo ka faa’ideysatay kubada ay ka soo shaqeeyeen Vucinic iyo Lichstiener, laakiin waxaa loo qoray inuu iska dhaliyay  Kucher.

Guusha ay gaartay Juventus ayaa ka dhigeysa inay ku soo baxeen kaalinta 1aad ee Group E iyagoo leh 12 dhibcood, halka Shakhtar ay ku soo baxday 10 dhibcood iyagoo kaalinta labaad soo galay, Chelsea ayaana ku dhameysatay wareega group-yada kaalinta seddexaad iyagoo ka ciyaari doona Europa League.

Wixii talo iyo tusaale ah E-mail kan noogu soo dir : ilwareed@gmail.com

    Leave a Reply

    Your email address will not be published.

    Magacaada

    Emailkaada


    Fikradaada halkan ku qor

    Live Somali Tvs

    ilwareed Tv

    Wararka

    Mourinho oo loo ogolaaday inuu liverpool kala hortago ciyaartoydiisa kaydka‏. April 24th 2014

    Wenger oo go,aansaday inuu iska sii joogo Arsenal. April 24th 2014

    Beckenbauer oo aan ku qanacsanayn taatikada guardiola April 24th 2014

    Ronaldo:”waxaa jiray dad aan doonayn inaan ka hortago bayern munich April 24th 2014

    Sturridge:”waxaan noqon doonaa qof waalan hadii aan gool ka dhaliyo Chelsea April 24th 2014

    Muxuu ka yiri ancelotti guushii ay ka gareen bayern munich? April 24th 2014

    Kubada gacanta ee guardiola iyo taatikadii macalinka talyaani April 24th 2014

    Adnan januzaj oo la sheegay inuu si rasmi ah ugu ciyaari doono xulka qaranka Belgium April 24th 2014

    Deg Deg: Man United oo si rasmi ah u ceyrisay tababare David Moyes April 22nd 2014

    David silva oo baaritaan lagu sameynayo ka dib markii xalay bareelo looga saaray garoonka April 22nd 2014