Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Naag iyo Jeceyl Nin iyo Ixtiraam

Posted By ilwareed on Thursday, December 6th 2012 02:43 EAT

In qofba qofka kale uu ixtiraamo waa lagama maarmaan nolosha guurka, nabigeenuna aad ayuu ugu celceliyay asagoo marna u jeedinayo haweenka marna ragga. Laakiin waxaad moodaa dhinaca ixtiraamka in uu haweenka aad ugu bogaadiyay oo uu faray in nimankooda ay xalaasha ku guursadeen aad u ixtiraamaan una ciseeyaan. Xitaa heer wuxuu gaaray nabiga inuu yiraahdo “Hadii aan qof fari lahaa inuu qof qof kale u sujuudo, waxaan fari lahaa naagta inay ninkeeda u sujuudo”.

Dabcan Nabigeena AWC hadafkiisa ma ahayn inuu dumarka liido, balse xikmad weyn ayaa ku jirta xadiiskan. Maxaa yeelay sida dabiiciga ah, ninka raga ah markuu ixtriaam ka helo haweenaydiisa, wuxuu ku jawaabaa inuu jeceylkiisa uu tuso, wuxuu kaloo helaa xamaasad dheeraad ah iyo firfircooni u sahalysa tacab maalmeedka. Sidoo kale haweenka markay ogaadaan jeceylka ninkooda uu u qabo, farxad iyo kalsooni dheeraad ah ayaa soo galaya taasoo u sahlaysa howsha guriga iyo tacabka caruurta.

Arinta muhimada ixtiraamku raggu u leedahay waxaa xitaa baryahan aad taageeray reer galbeedka. Sida Dr. Emerson Eggerichs oo mudo badan cilmi baaris ku sameeyay laba qeybood oo ah (Jeceylka iyo Ixtiraamka). Markuu dhameeyay baaristiisa, warbixinta uu ka jeediyay waxay tahay in raggu ixtiraamka sida hawada aan neefsano ay ugu baahan yihiin, Haweenka jeceylka ninkooda sidoo kale ayay ugu baahan yahiin.

Markay haweenayda tusto ninkeeda in ay ixtiraamayso, tusaale ahaan markay dad kale isla fadhiyaan, wax fiican ayay ka sheegtaa oo way amaantaa oo hoos uma dhigto. Ninkii markuu maqlo hadalada wanaagsan iyo amaanta aad ayuu u kala badbadanaa, tanina waxay ku dhiirigalinee inuu u sheego xaaskiisa dareenkiisa. Hadaba tan micnaheeda aha in haweenka ixtiraam aanay u baahnayn iyo raguna aanay jeceyl u baahnayn. Labaduba way u baahan yahiin, laakinse waa u kala baahi badan yihiin oo raggu ixtiraamkay ka doorbidaan, haweenkuna jeceylka ka doorbidaan.

Dhibaatada ugu wayn waxay tahay ragii qaar oo aaminsan in xaaska la ogeysiinayo jeceylkooda uusan daruuri ahayn, qaarna waa iskala weyn yihiin iyo qaarna waaba ka xishoodaan. Raggu xitaa qaar baa aaminsan kulana taliya asxaabtooda inayan ogeysiin jacaylka naagahooda ay u qabaan. Waxay ku andacoonayaan in hadii la ogeysiiyo xaaska ay kuugu kor soconayso ama buur isa saarayso. Rag qaarkii oo aad ugu fiican ayaa jiro in ay ogeysiiyaan jeceylka ay xaaskooda u qabaan, laakiin dadka arkaya in ninkeeda u jajaban yahay waxay ku xamanayaan in ay sixirtay oo aanay caadi ahayn.

Tusaale waxaa inoogu filan in haweenku muhimad balaaran siiyaan in ay ogaadaan jeceylka ninkooda u qabo. Sheekadi dhexmartay Caa’sha (Ummul Mu’miniin) iyo Nebigeena suubanaa marka ay weydiisay ayadoo dhahaysa:

Rasuulka Allow, Jacaylka aad ii qabto siduu yahay?

Rasuulka Alle wuxuu yiri: “Jacaylka aan kuu qabo waa sida xarig todcan”. Micnaheeda waa mid xoogan.

Caaisha: Hada xariga siduu yahay?

Rasuulka Alle: Xariga waa sidiisa (Wax is kama bedelin), Ilaahaan ku dhaartee, kama murgo goortaan dhimanaya, markaan ogaaday adiga inaad xaaskeyga tahay markaan jannada galno. Caa’isha markay maqashay hadalkan macaanta baday aad ayay ugu faraxday.

Waxaa dhacaysa in raggu markay ka gaabiyaan in ay tusaan jeceylkooda badanaaba haweenku waxay ku jawaabaan dhaleeceyn, calaacal iyo ixtiraam la’aan. Raggana sidoo kale markay ixtiraam ka waayaan haweenaydooda, qaar waa ismoogeysiinayaan, qaarna muran ayay ku jawaabaan oo dabkii shidnaa ay dab kale ku sii daraan Gurigoo dhan ayaa ciriiri noqda markay xaaladani jirto (Ijiid aan ku jiidee waa gacmo daalis). Sida kaliya looga baxsan karo ciriirigan in labada qofood mid ka mid ah hurdada ka koco uu rogo dabeecadiisa, sida ninkii inuu bilaabo tusida kalgaceylka uu u qabo xaaskiisa. Ilaahayna qawm ma bedelo ilaa ayaga nafsadoodi ay isbedelaan.

Laakiin waxaa muhiim ah inuu qofku ogaado in markay haweenaydaada saa u calaacalayso ay tahay baahi jeceyl iyo kalsooni daro dhinacaaga ka yimid, oo hadafkeeda uusan ahayn in ixtiraam daro ay kula macaamilooto. Sidoo kale ninkaada markuu ku go’doominayo uu ku inkiraayo, wuxuu ka ilmoonayaa gudaha oo u ooynayaa ixtiraamkaada kamana aha inuusan ku jeclayn.

Waxaan kor ku soo xusnay muhimada ixtiraamka iyo jeceylka u leeyahay nolosha guurka, waxaan hadana guda galaynaa oo aan ku soo koobaynaa akhlaaqyada ama aadaabta suura galiya ama kordhiya ixtiraamka iyo kalgacaylka ka dhexeeya labada is qabta:
Ka dhig ninkaada Hogaamiyaha guriga:

Dawrka hogaamiyanimada ilaah baah ninkaaga qur’aanka ku siiyay mana ahan mas’uuliyad sahlan. Laakiin ogalaanshahaaga iyo taageeriista hogaanka ninkaaga waxay u dhigantaa adoo tiri ilaahow waan ku maqlay waana ku adheecay. Raggana waxay si fiican u hogaamiyaan markay xaaskooda u ogalaadaan una sahlaan inuu hogaamiyo. Soomaalina waxay tiraa “Dooni laba naakhuude leh way jabtaa”. Marka aan ninka fursad la siin, qaarkii waxay ku jawaabaan in ay isaga dhex baxaan maamulka, qaarna muran ayay galaan oo u sii horseedaya iska hor imaad burburinaya guriga ,saameyna ku yeelanaya korsiimada caruurta arkaysa iska hor imaadkaas.

Tan micnaheeda ma aha in haweenka yiraahdaan mishaakilkaana jira, adiga kaligaa xali. Waxaa haboon inaad dhahdo, arintaana jirto sideey kula tahay, oo maxaa damacsan tahay. Adiga ra’yigaaga ka dhiibo kuna dheh adiga wixii kula haboon sameey waana kugu garab galayaa (Laakin arintu waa inay diinta aan ka baxsnayn). Hadaladaan oo kale ninka aad ayay u dhaqaajisaa oo u farax gelisaa, jacayl dheeraadna way ku abuurtaa. Ninka ragga ahina waa inuu mas’uuliyada hogaanka ka soo baxaa, hogaankana ma aha intaad kursiga guriga fariisato oo aad amar kaliya bixiso. Hogaamiyaha dhabta ah, waa kii u adeega danaha reerkiisa, dulqaad badan, tashada oo naxriis badan. Tusaalooyin badan ayaa jira oo rag ku faana, markay guriga soo galaan in qof walba (caruurta iyo xaaska) ay baqaan uu guriga shib uu noqdo. Waa astaan hogaan xumo ah oo mustaqbalka dhibaato abuuraysa.
In aadan hoos u dhigin lamaanahaaga:

Markaad dad kale dhex joogtaan in aadan isku jeesjeesin, oo qofba qofka kale wax fiican ka sheego. Tusaale ahaan, in marka xaaskaaga ay reerkaaga dhex joogto inaad wax fiican ka sheegto, hadii la gardareysto ama hadal lugu duro inaad difaacdo. Sidoo kale, haweenayda in ay dad ka hortooda ku sheegin ninkeeda ceebihiisa iyo meeluhuu ka liito. Raggana dad hortooda lugu ceebeeyo, aad ayay uga dhintaan sida Soomaalidu tiraa “Rag ciil cadaab ka doora”’.

In qofba qofka kale taageero markay dhibaato jirto.

Umul Mu’miniin, Khadiijah aad ayay u garab istaagtay oo u taageertay nabigeena AWC oo ay soo food saareen dhibaatooyin aad u culus markuu Makah joogay. Geerideedana Nabigeena aad ayuu ugu murgooday, mana iloobaynin inuu sheego waxyaabihii ay u qabatay. Ragga sidoodaba waxay u kala dheereeyaan siday u kala naago fiican yihiin siday Soomaalidu ku maahmaahdo “Rag naagaa is dhaafshay”. Ninka qaba naagta hufan oo xil kasta ah wuxuu dheereeyaa raga kale. Dabcan, sidoo kale haweenayda nin hufan qabta waa ka dheereysaa haweenka kale, kalsoonideedana waa sareysaa

Fadlan walaalayaal, hadii maqaalkani aan ku sheegay wax khalad ogow wuxuu ka yimid nafsadayda daciifka ah iyo sheydaanka, wixii fiicana waa ilaahay xagii, mahad weyna asagaa iska leh. Waxaan kaloo idiinka codsanaayo inaad ducadiina iga iloobina.

Bazi Bussuri Sheekh

Wixii talo iyo tusaale ah E-mail kan noogu soo dir : ilwareed@gmail.com

    Leave a Reply

    Your email address will not be published.

    Magacaada

    Emailkaada


    Fikradaada halkan ku qor

    Live Somali Tvs

    ilwareed Tv

    Wararka

    Deg Deg: Man United oo si rasmi ah u ceyrisay tababare David Moyes April 22nd 2014

    David silva oo baaritaan lagu sameynayo ka dib markii xalay bareelo looga saaray garoonka April 22nd 2014

    Jose Mourinho: Real madrid ayaa weli ah kooxdeyda Spain April 22nd 2014

    Jurgen Klopp oo sidoo kale diirada u saaran Man United April 22nd 2014

    Van gaal oo sugaya shaqada man United Iyadoo ay soo dhow dahay in la Ceyriyo david Moyes. April 22nd 2014

    Hordhac: Atletico Madrid v Chelsea – Simieone iyo mourinho oo Semi-finalka Champions League isku Arkaya April 22nd 2014

    Liiska dhameystay ee rikooryada uu jabiyay Moyes intii uu Man United Macalin u ahaa April 21st 2014

    Jurgen Klopp: kuma biirayo barca, waan jeclahay dortmund April 21st 2014

    Boliiska oo baaraya fadeexad la xiriirta isticmaalka daroogada cocaine oo ka dhacday koox weyn oo England Ah April 21st 2014

    Sawirro:-Liverpool oo dhaw in ay horyaalka BPL qaaday ka dib guushii galabta April 21st 2014