Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Sheeko Qosal AH, IYO Madadaalo

Posted By ilwareed on Wednesday, December 5th 2012 21:49 EAT

Saddex  nin ayaa ku murantay in midkoodba  midka kale ka caajis badan yahay,  dabadeedna way isu gar dhigteen si loo kala  bixiyo, loona  soo saro kooda qaada horyaalka caajisnimada.
1-Mid ayaa yiri :. Anigu  waxaan ahay ninka wuxuu caajisnimo ka qabo maalin geed hoos seexday, dabadeedna hooskii dhinaca kale u wareegay oo ka wahsaday inuu qoraxda ka kaco, dushaydana  ay ku dhamaatay ilaa ay qoraxdii ka dhacday oo ku gaaray sidaas habeenkii
2-Midkii 2aad ayaa isna yiri:.  waxaan ahay ninka inta isagoo meel jiifa uu ku yimid daad biyo ah oo aan ka kicin, ee ay biyihii qaadeen ilaa  aan ka bakhtin gaaro!

3-Midkii 3aad ayaa la waydiiyay wixii ugu darnaa ee caajisnimadiisa muujinaya, markaasu gacanta meegaartay (HAMAANSADAY) isagoo tilmaamaya inuusan hadli karin caajisnimo darteed.

Aqristoo haddii aad fikirkaada kadhiibato soona koobto ayaa ugu caajisan raggaan?

Wixii talo iyo tusaale ah E-mail kan noogu soo dir : ilwareed@gmail.com

    Leave a Reply

    Your email address will not be published.

    Magacaada

    Emailkaada


    Fikradaada halkan ku qor

    ilwareed Tv