Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Tababaraha Liverpool Brendan Rodgers Oo Beeniyay In Uu Raadinayo Goolhaye Kale Fasaxayana Reina

Posted By ilwareed on Thursday, December 6th 2012 03:55 EAT

Tababaraha Liverpool Brendan Rodgers ayaa beeniyay warar sheegayay in uu raadinayo goolhaye cusub isla markaana uu qorsheynayo in uu iska fasaxayo goolhayaha koowaad ee Anfield Pepe Reina.

Sida ay qortay Press Association, Rodgers ayaa si xoog leh u diiday wararka sheegaya in uu dirayo Reina waxana uu sheegay in uu kalsooni ku qabo in goolhayaha xulka Spain ka mid ah uu soo wanaagsanaan doono.

Waxaa jiray warar sheegayay in Livepool ay qorsheynayo in ay la soo wareegto bisha Janaayo goolhayaha England ee kooxda Birmingham Jack Butland iyo goolhayaha dhalinyarada ah ee reer Jarmal Ron-Robert Zieler.

Hase ahaatee Rodgers ayaa u sheegay PA:”Ma jecli inaan ka hadlo warar suuqa balse waqtiga aan la joogo Liverpool magacyada la ila xiriirinayo waa kuwo aan macquul ahayn.

“Laakiin tan muhiimka ah ee aan ka hadlayo ayaa in aan raadinayn goolhaye kale.

 

“Waxaa la inala xiriirinayay goolhayaaal badan. Waxaan leenahay labo goolhaye oo wanaagsan – Pepe Reina iyo Brad Jones, oo ah qof daacad ah oo awooda in uu noqdo lambarka labaad ee goolhayaha kooxda.

“Meelaha kale ee aan dooneyno inaan kooxda ka horumarino waa qaar ahayn dhinaca goolhayaasha.”

Pepe Reina goolhayaheen koowaad waa mid kamid ah kuwa ugu wanaagsan ee ka ciyaara horyaalka Ingiriiska,”ayuu sii raaciyay tababraha ka soo jeeda waqooyiga Ireland.

Wixii talo iyo tusaale ah E-mail kan noogu soo dir : ilwareed@gmail.com

    Leave a Reply

    Your email address will not be published.

    Magacaada

    Emailkaada


    Fikradaada halkan ku qor

    Live Somali Tvs

    ilwareed Tv

    Wararka

    Deg Deg: Man United oo si rasmi ah u ceyrisay tababare David Moyes April 22nd 2014

    David silva oo baaritaan lagu sameynayo ka dib markii xalay bareelo looga saaray garoonka April 22nd 2014

    Jose Mourinho: Real madrid ayaa weli ah kooxdeyda Spain April 22nd 2014

    Jurgen Klopp oo sidoo kale diirada u saaran Man United April 22nd 2014

    Van gaal oo sugaya shaqada man United Iyadoo ay soo dhow dahay in la Ceyriyo david Moyes. April 22nd 2014

    Hordhac: Atletico Madrid v Chelsea – Simieone iyo mourinho oo Semi-finalka Champions League isku Arkaya April 22nd 2014

    Liiska dhameystay ee rikooryada uu jabiyay Moyes intii uu Man United Macalin u ahaa April 21st 2014

    Jurgen Klopp: kuma biirayo barca, waan jeclahay dortmund April 21st 2014

    Boliiska oo baaraya fadeexad la xiriirta isticmaalka daroogada cocaine oo ka dhacday koox weyn oo England Ah April 21st 2014

    Sawirro:-Liverpool oo dhaw in ay horyaalka BPL qaaday ka dib guushii galabta April 21st 2014