Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Waan is jecelnahay Ismana Fahano Marwalbo (Akhriso xalka dhabta ah )

Posted By ilwareed on Thursday, December 6th 2012 02:48 EAT

Maahan wax ku cusub Lamaanaha Xariir wadaaga ah iyagoo is raba hadana isku qanacsaneen taasoo ay sabab u tahay waxyaabo si sahal ah lagu xalin karo.

Lamaanaha waxaa wanaagsan ineey ka run sheegaan xariirkooda, Kahor qormadeyda inta aanan ugda galin aan soo qaato hadal Murtiyeed ahaa” I Jiid aan ku Jiido waa Gacmo Daalin” Hadii labada lamaane ay waqtigooda qaaliga ah ku dhunshaan Wada sheekeysi anaanan la balamin waqtiga laga run sheegayo waxaa imaan karta in midkood ka caajiso xariirka.
Tusaale : Marka aad mudo dheer wada socotaan adiga & Gacaliyahaaga/Gaclisadaada waxaa imaanaya in Xariirkiinu xiisaha ka damo waxaana u sabab ah labada arimood sida aan anigu aaminsanahay.

Tan koowaad , in Wiilka la dhihi karo waxa uu ka gaabiyey bisleenta dhariga dabka saaran, waxaa wanaagsan mar hadii uu isfahan yimaado in laga run sheego oo xariirkaasi lagu badalo mid Qoys , waa muhiim inaad ka run sheegtaa haasaawahiina ku tasho Jeebkaaga intuusan dherigu karkarka ka badanin.

Tan labaad waxaay noqon kartaa in Wiilku wax walbo diyaar la yahay balse gabadhu xoogaa jlibka u aasan aysan diyaar u eheen aas aasida & Ka run sheegida Xariirkaasi , kahor inta aanan loo bandhigin Codsiga guurka waxay soo xireysaa dhinac walbo oo looga muraadi lahaa.

Waxaan dhihi karaa hadii Labada qofi midkood duruuf heysato kuna raagto intii mudo ah waxuu xariirkaasi noqdaa mid waqti walba isku dhac keena , Isku dhaca oo soo laab laabtana waxuu sababi karaa in Xiisuhu yaraado halkaasna ka yimaad is faham daro joogta ah.

Halkaan hoose waxaa kaaga furan Akhriste meesha aad kaga soo gudbin laheed Fikirkaaga adigoo ku cabiraya hadba waxa aad igu ka aaminsantahay in ay sabab u tahay Is faham darada Joogtada ahi Mahadsanid.

Wixii talo iyo tusaale ah E-mail kan noogu soo dir : ilwareed@gmail.com

  1. isma lihi taa raga ayey eed bilawkeda ilaa dhamadkeda iskuguso dhamatay ayaga ayana mudan in aan jecel dhab ah la siinin isfaham la aantana waxaa keena jecelka dhabta h ay isku qabaan lamanaha is jecel dad aaan is jecleen ma doodan mana dagaalamaan

  2. aniga fikir ahaan waxay ila tahay in ay labada qof hadii ay kala dheer yihiin ay isku dulqaaatan sababtoo ah marwalbo makuu suurto galeyso inaad jaceyl la wadagto qof kuu dhaw waxaa laga yabaa inay labo qof oo kala dheer jaceyl uu dhex maro si kasto ha ahaatee beenta rag&dumar wey ka siman yihiin yaan dumarka dambiga la sarin rag badan oo waxaa jira aan rabin guur misne jila jaceyl dumarkane wey ka xishoodaan badanaa inay iyaga sheeko guur kusoo qaadaan

  3. Waxay ilatahay intabadan wakhtidhumiska waxakena dumarka ayaga o wax hubsan ayeybalan kaqadaysa hadana ayadi ayakabaxaysa waxan kutalinlaha jecelka xad dhafka ah dumarka yanlasin wayo umaqalman badankod bentale kunurayan kkk

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Magacaada

Emailkaada


Fikradaada halkan ku qor

Live Somali Tvs

ilwareed Tv

Wararka

Deg Deg: Man United oo si rasmi ah u ceyrisay tababare David Moyes April 22nd 2014

David silva oo baaritaan lagu sameynayo ka dib markii xalay bareelo looga saaray garoonka April 22nd 2014

Jose Mourinho: Real madrid ayaa weli ah kooxdeyda Spain April 22nd 2014

Jurgen Klopp oo sidoo kale diirada u saaran Man United April 22nd 2014

Van gaal oo sugaya shaqada man United Iyadoo ay soo dhow dahay in la Ceyriyo david Moyes. April 22nd 2014

Hordhac: Atletico Madrid v Chelsea – Simieone iyo mourinho oo Semi-finalka Champions League isku Arkaya April 22nd 2014

Liiska dhameystay ee rikooryada uu jabiyay Moyes intii uu Man United Macalin u ahaa April 21st 2014

Jurgen Klopp: kuma biirayo barca, waan jeclahay dortmund April 21st 2014

Boliiska oo baaraya fadeexad la xiriirta isticmaalka daroogada cocaine oo ka dhacday koox weyn oo England Ah April 21st 2014

Sawirro:-Liverpool oo dhaw in ay horyaalka BPL qaaday ka dib guushii galabta April 21st 2014