Tobanaan kun oo reer Masar ayaa ku banaanbaxaya magaalada Qaahira, iyaga oo ka soo horjeeda Madaxweyne Maxamedd Morsi iyo dastuurka cusub ee qabyada ah oo Golaha Dastuuriga ee u badan Islaamiyiinta ay si deg deg ah ku ansixiyeen.
Dadka banaanbaxaya oo markii horeba dhaliilayay awoodda cusub ee uu isa siiyay Madaxweyne Morsi, ayaa hadda ka careysan dastuurka qabyada ah ee lala degdegay muddo 16 saacadood gudahood.
Weriye BBC ka tirsan oo jooga magaalada Qaahira ayaa sheegaya in arrintan loo sameeyay in looga hortago dagaalka ay wadaan maxkamadaha.
Kooxaha Liberal ayaa ka cabsi qaba in dastuurka loo isticmaalo mid lagu waxyeeleynayo xoriyadda, isla markaana lagu soo rogo xukun Islaami ah Masar.
Taageerayaasha Madaxweyne Morsi ayaa iyaguna waxa ay isugu soo baxeen banaanbaxyo.
Dastuurka qabyada ah ayaa waxa loo qaadi doonaa afti dadweyne.