Sheeko Qosal AH, IYO Madadaalo
December 5, 2012 - Written by ilwareed - Edited byilwareed

Saddex nin ayaa ku murantay in midkoodba midka kale ka caajis badan yahay, dabadeedna way isu gar dhigteen si loo kala bixiyo, loona soo saro kooda qaada horyaalka caajisnimada.
1-Mid ayaa yiri :. Anigu waxaan ahay ninka wuxuu caajisnimo ka qabo maalin geed hoos seexday, dabadeedna hooskii dhinaca kale u wareegay oo ka wahsaday inuu qoraxda ka kaco, dushaydana ay ku dhamaatay ilaa ay qoraxdii ka dhacday oo ku gaaray sidaas habeenkii
2-Midkii 2aad ayaa isna yiri:. waxaan ahay ninka inta isagoo meel jiifa uu ku yimid daad biyo ah oo aan ka kicin, ee ay biyihii qaadeen ilaa aan ka bakhtin gaaro!
3-Midkii 3aad ayaa la waydiiyay wixii ugu darnaa ee caajisnimadiisa muujinaya, markaasu gacanta meegaartay (HAMAANSADAY) isagoo tilmaamaya inuusan hadli karin caajisnimo darteed.
Aqristoo haddii aad fikirkaada kadhiibato soona koobto ayaa ugu caajisan raggaan?
Share