Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Oday Dhaqameed Lagu Dilay Muqdisho

Rag hubeysan ayaa galabta ku dilay xaafadda Nasteexo ee degmada Wadajir oday dhaqameed lagu magacaabi jiray Maxamed Maxamuud Yuusuf oo ka mid ahaa odayaashii soo xulay xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya.

Goobjoogayal ayaa u xaqiijiyay  in oday dhaqameedka lagu dilay inta u dhaxeysa garaash uu soo dhigtay gaari uu watay iyo guriga uu degganaa oo ku yaalla xaafadda Nasteexo.

Rag bistoolado ku hubeysan ayaa rasaas ku furay Maxamed Maxamuud Yuusuf, kuwaas oo markiiba goobta ka baxsaday.

Sagaalkii bishii hore waxaa Muqdisho lagu dila oday dhaqameed kale oo lagu magacaabi jiray Malaaq Isaaq Ibraahim oo ka mid ahaa odayaashii soo xulay xildhibaannada cusub.

Share

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII HORE