Sida ay wararka ku helayso waxaa goor dhaw qarax xoogan uu ka dhacay xaafada Islii ee magaalada Nairobi halkaasi oo la sheegay in dad badan ay ku waxyeeloobeen.
Ilaa hadda lama sheegi karo khasaaraha inta uu la eg yahay iyo qaraxa nuuca uu ahaa Balse Wariyaha ilwareed.com Ayaa Soo sheegaya in masaajid salaada cishaha lagu tukanayey qaraxa uu ka dhex dhacay.
Masjidka Al Hidaaya oo ku dhaw Garissa Lodge ayaa waxa uu ku yaalla meel aad umashquul badan looguna magac daray (Jaamka) waxaana wali soo baxaya warar is khilaafsan qaraxa qaabkuu udhacay iyo waxyeelada uu geystay.
Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa ilwareed.com usheegay in dhaawac uu soo gaaray Xildhibaanka laga soo doorto degmada kaamakunji Yuusuf Xasan Cabdi (Indha-gamuun) oo ka mid ahaa jameecadii masaajidka ku tukanayey
Xoghaynada Xildhibaanka ayaa waxay ku waramayaan in dhaawac uu yahay Yuusuf indha-gamuun islamarkaana xaaladiisa lagu baxnaaninayo cusbitaalka oo loola cararay.
Waxaa suurta gal ah in dad badan oo jameecada ahaa kuna sugnaa masaajidka ay waxyeelo soo gaartay kadib qaraxa lagu weeraray hayeeshee lama oga inta khasaaraha uu la eg yahay.
Share