Ultrasound waa baaritaan isticmaala mowjado dhawaaq si loo eego ilmahaaga, ilmo galeenka iyo mandheerta. Waxaad awoodi doontaa in aad maqasho garaaca wadnaha ilmahaaga isla markaana sawirro ayaa lagu arki doonaa shaashadda.
Ultrasound ma ahan raajo xanuunna ma keento. Baaritaankan wuxuu qaadanayaa ilaa iyo 20 daqiiqadood waxaana lagu sameyn doonaa xafiiska takhtarkaaga ama rugta caafimaadka.
Ultrasound waxaa loo isticmaalaa si:
• Loogu hubiyo taariikhda dhalidda.
• Loogu hubiyo koritaanka iyo miisaanka ilmaha.
• Loogu arko haddii ay jiraan wax ka badan hal canug.
• Loogu eego calaamadaha cilladaha lagu dhasho. Haddii ay muujiso in ay jiri karayaan cillado lagu dhasho, baaritaanno kale ayaa la sameyn doonaa.
• Loogu eego sababaha dhiig baxa ama dhibaatooyinka kale keena.
• Loogu hubiyo booska ilmaha goor danbe oo uurka ka mid ah.
Inkastoo ilmahaaga laga yaabo in la arko in wiil iyo gabar yahay, ultrasounds looma sameeyo in lagu ogaado jinsiga ilmuhu uu yahay. Waxaa lagu weydiin doonaa.
haddii aad dooneysid in aad ogaatid jinsiga uu ilmuhu yahay haddii ultrasound la sameeyo. Ultrasound mar kasta ma muujiso jinsiga uu ilmuhu yahay.
Si aad isu diyaarisid:
• Waxa laga yaabaa in lagaa codsado in aad cabtid 1-2 koob oo ah biyo ka hor baaritaanka si kaadi-haystaadu u noqoto mid buuxda. Haddii ay buuxdo, ha kaadin ilaa ka dib baaritaanka.
Waqtiga Baaritaanka
• Waxaad ku seexan doontaa miis iyadoo calooshaadu aysan daboolneyn.
• Gel diirran ayaa maqaarka lagaa marinayaa. Bir ayaa lagu kala fidinayaa gel-ka si sawirro loo qaado.
• Waxaad awoodi doontaa in aad sawirrada ka aragto shaashadda.
• Shaqaaluhu waxay kaala hadli doonaan wax ku saabsan sawirrada