Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Xulka Qaranka Soomaaliyeed oo galay diyaargoowgii ugu adkaa iyo tababaro Culus

Xulka Qaaranka Soomaaliya oo dhawan soo gaaray dalka Uganda si uu uga qeyb qaato ciyaaraha bariga iyo bartamaha Africa oo sanadkani ay marti galineyso Dowalada Uganda ayaa waxaa ay galeen diyaar garoowga iyo tababarkii ugu weyna si ay ula qabasaadaan cimilada iyo garoomada dalka Uganda ee lagu qaban doono ciyaarahaasi.

Xulkeena qaranka Soomaaliyeed ayaa waxaa ay isku soo aadeen wadamada Burundi,Sudan iyo Tanzania waxaana la filayaa ciyaarta ugu horeysa in xulka qaranaka Soomaaliya ay wada yeelaan doonaan dalka Burundi.

Hadaba waxaa ay isugu soo aadeen wadamada la ciyaaraya xulkeena qaranka Soomaalaiya sida.

Xulka Qaranka Soomaaliya VS Burundi  oo ay wada ciyaari doonaan 25-11-2012

Sidoo kale 28-11-2012 Xulka Qaranka Soomaaliya waxaa ay is arki doonaan xulka Qaranka Dalka  Sudan

01-12-2012 waxaa uu loolan adag garoonka Nakafubi ee magaalada Kampala ku dhex mari donaan Xulka Qarankeena Soomaaliya iyo Xulka dalka Tanzania.

Qubaro dhanka Saadasha ciyaaraha ku xeel dheer waxaa ay saadaaliyeen in guulo la taaban karo ay ka soo hoyn doonaan ciyaaraha ay la yeelan doonaan xulkena qaranka Soomaaliya xulalka ka socda wadamada ay wada ciyaari doonaan.

 

Share

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII HORE