Kooxda Barcelona ayaa ka cabsi qabta in tababarahoodii hore Pep Guardiola uu macalin u noqdo Manchester City xilli ciyaareedka soo socda, islamarkaana da’ yarta akadeemigooda u kaxeysto kooxda reer England.
Jariirada AS ayaa sheegtay in Guardiola uu Spain ku laaban doono dhamaadka bisha December isagoo ka soo laabanaya fasax uu ku qaadanayay New York tan iyo intii uu ka tagay Camp Nou dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore, waxaana la filayaa inuu la kulmo wakiilkiisa uu kala hadlo qorshihiisa mustaqbalka.
Milan iyo Bayern Munich ayaa la dareesan yahay inay ku jiraan liiska kooxaha doonaya Guardiola, halka labada kooxood ee Chelsea iyo Manchester City iyagana la aaminsan yahay inay la kulmeen wakiilkiisa bilihii u danbeeyay.
City ayay ka walwalsan tahay Barcelona marka loo fiiriyo kooxaha kale ee doonaya Guardiola. Waxa ay ka walaacsan yihiin in hadii Guardiola uu qabto kooxda ka dhisan Etihad Stadium markaas in Sky Blues aysan kaliya Barca kula tartami doonin Champions League, laakiin sidoo kale ay u soo jeesan doonto hab ay ku qaataan da’ yartooda ku jirta akadeemiga.
Agaasimihii hore ee Barcelona Txixi Begiristain ayaa haatan agaasime ka ah kooxda heysata horyaalka Premier League, waxaana hadii ay isbiirsadaan Guardiola ay keeni kartaa inay Camp Nou ka soo kaxeystaan xiddigo da’ yar sida Sergi Roberto, Gerard Deulofeu iyo Rafinha.
City ayaa dhistay akademik cusub oo kubada cagta ah oo ay ku baxday 120 milyan ginni kaasoo u qaab eg La Masia ay leedahay Barcelona, waxaana akadeemigaas ku xaroon karta 80 ciyaaryahan, halka maalintii tababar lagu siin karo 400 ciyaaryahan.
source: laacib