Ciidamada huwanta ah ee AMISON ee ka kala socda wadama africa kana hool gala magaalada muqdisho ayaa lagu soo waramayaa inay dil wuxuushnimo ah ugeeesteeen haweeney ganacsato aheed oo kuyeelatay lacag fara badan .
Dilka haweeneydaasi oo la oran jiray Maryam Mohamoud Mohamed ayaa waxa uu u dhacay qaab ka yaabiyay dadka Soomaaliyeed, kadib markii haweeneydaani ay qarash tira badan ay ku yeelatay ciidamda AMISOM ee Saldhigoodu yahay Xalane, Kuwaas oo markii ay ogaadeen in qarashkaan tirada badan aysan dhiibi Karin haweeneyda goor habeen ah xaafadeeda uga wacay si ay u dilaan.
Maryam Mohamoud Mohamed oo si aad ah ula yaabtay xilliga lawacayo, hasa yeeshee ku fakareysay in ay hesho lagacteedii ayaa waxa ay horay u wadatay laba dhalinyara ah oo ay qaraba ahaayeen si ay u wehliyaan, waxaana markii ay gudaha xeradii tagtay durbadiiba lagu war geliyay in ay laabato.
Gabdhii iyo wiilashii oo fajaciso ay ku noqotay ayaa waxa ay iyaga oo caga jiidaya u soo laabteen dhanka iyo irida ay kasoo galeen, waxaana rasaas aan loo aaba dayin kufuray ciidamadii ay kasoo tageen, kuwaa oo gabadhii meesha ku dilay, wiilashii wiil kamid ahna ku dhaawacay halka wiilkii kale nasiib wanaag uu ka baxsaday goobta kaas oo kawar bixiyay sida ay wax u dheceen.
Ciidamadii AMISOM marka ay dileen haweeneydaan waxa ay si jees jees leh u waceen saygeedii ama ninkeedi oo ay u sheegeen in xaaskiisii ay dhimatay.
Ciidamada AMISOM kuma eesan ekaane dilka arxan darada ahaay oo ay ugeesteen marxuumada,balse waxay rahan ahaan uqabsadeen meydkeedii iyaga oona diiday in la’aaso inta looga soo gacan galinaayo wiilkii kabaxsaday dilkii ay marxuumada ku khaarijiyeeen
Muran dheer kadib waxaa lagu guleestay in laga qaado gabadha meydkeedii si loo aasao, waxaana arintaan walaac badan ka muujiyay dad badan oo AMISOM lashaqeeya, iyagoo kawalwalsan mid lamid ah tanoo kle inay qabsato.
Xafiiska Nairbi W/Q ….Bashkas cade