Xoghayaha guud ee ururka jaamacada carabta Dr Nabiil El-carabi ayaa xarunta jaamacada waxa uu ku qaabilay safiirka midawga yurub ee arimaha afrika kuwaasi oo waxyaabaha ay kawada hadleen ay ku jiraan xaalada dalka soomaaliya.
Dr.El-carabi ayaa u sheegay safiirka midawga yurub ee arimaha afrika Alexsandar Rondos ahmiyada weyn ee ku jirta sidii loo sii wadi lahaa horu marada lataban karo ee laga sameeyay soomaaliya waxana uu soo hadal qaaday doorashadii madaxweynaha ,ra’iisal wasaaraha iyo ku dhawaaqista xukuumada soomaalia.
Labada masuul ayaa talaabo wanagsan ku tilmaamay dawrka ay xukuumada cusub ay ku leyihiin haweenka soomaaliya.
Sidoo kale masuuliyiinta ayaa ku heshiiyay sidii loo sii wadi lahaa taageerida loo fidinaayo soomaaliya si logu dhiso haya’adaha waa weyn ay ku dhisan tahay soomaalia iyo in la taageero ciidamada midawga afrika kaga sugan soomaalia ee nabad ilaalinta u jooga.