Danjiraha Mareykanka u fadhiya Qaramada Midoobay, Susan Rice ayaa ku guuldareysatay inay afjarto muranka u dhaxeeyay maamulka Obama iyo xubnaha Jamhuuriga ee senate-ka ee ku saabsan wixii maamulku ka ogaa sababta weerarkii lagu qaaday qunsuliyadda Mareykanka ee Libya.
Weerarka oo ka dhacay bishii Sebtember magaalada Bengasi ayaa waxa lagu dilay Danjirihii Mareykanka iyo saddex qof oo kale.
Ms Rice ayaa u qiratay Senatarada inay bixisay xog aan sax ahayn oo ahaa in weerarku ka danbeeyay banaanbax aan la sii qorsheyn, halka uu ka ahaa weerar argagixiso oo la soo qorsheeyay.
Laakiin Senatarada ayaan ku qancin arrintaasi, iyaga oo sheegay inay isku day doonaan inay is hortaagaan tallaabada la filayo ee Ms Rice loogu magacaabayo inay xilka kala wareegto (Hilary Clinton) Xoghayaha Arrimaha Dibedda sanadka soo socda.
Xisbiga Dimuqraadiga ayaa waxa uu ku badan yahay aqalka Senatka, laakiin waxa uu u baahanayaa taageerada Jamhuuriga marka ay timaado magacaabisteeda.