Kazuhiro Watanabe, oo u dhashday dalka Japan ayaa ku guuleystay koobka ninka ugu timaha dheer caalamka, wuxuna sidaas ku galay taariikhda, maadaama uu rikoordh cusub dhigay.
Ninkan reer Japan ee Kazuhiro Watanabe, ayaa koobkan ku qaaday Timaha sida usha u sameysan ee kor uu kor u taagay, laakiin maaha tani laakiin tartanka kumuu qaadin dhererka timiisa oo kaliya. Weli lama arag shaqsi sida Kazuhiro Watanabe, oo kale ah, wuxuna noqday muuqaalkiisu mid aduunka ku cusub, iyada oo durbaba shirkado ay heshiis la galeen si uu xayisiin ugu sameeyo.
Booga lagu diiwaan galiyo dadka dhacdooyinka cusub la yimaad ee Genius World Record, ayuu magaciisa ku galiyay mr Kazuhiro Watanabe, habka cusub ee uu timisiia u qaabeeyay isaga oo ka dhigay timihiisa qaar soo jiidasho ku sameeya qaar ka mid ah bulshada caalamka isala markaa magaciisa ka dhiga mid aduunka laga barto iyada oo dhinaca kale ay durba soo baxeen shirkado doonaya in uu ka qayb qaato xayaysiiska ganacsigooda.
Ninkaan ayaa Timahiisu waxey u samaysanyihiin qaabka u sha oo kale iyaga oo u taagan sida ushii waaana arinka sababy in uu galo booga waxyaabaha caanka ah lagu qoro.
In kasta oo wadamada bariga fog ee uu Japan ka mid yahay laga isticmaalo timaha dheer ee ragu la baxaan hadana dhacdo dan uu la yimid mr Kazuhiro Watanabe waxa ay noqotay mid ku cusub aduunka oo si gaar ah usoo jiidatay indha bulshada caalamka.
Xasan Sh. Cumar
Layaabka@gmail.com