War bixin dhawaan la soo saaray ayaa lagu sheegay in 100%85 ay yihiin dadka isku eega Muraayada waqti badan dad shaki badan kuwaasi oo dareemaya xiliga ay isku eefgayaan muraayada waxyabao aan jirin.
Quburo ka kala socoto wadamao badan islamarkaana sanad waliba warbixin ku saabsan Arimaha bulshada Soo saaera ayaa sheegaya in dadka ugu badan ee muraayadaha isku eega ay yihiin dumurka lkn waxa kaliye ee ku qasbaya ay yihiin shaki ku aadan calaamdo muujinaya waxyaabo aan jirin oo qalbiga uun kaga jira oo kaliya
Zaun Mike oo ka mid ah quburadaan soo saaray sheekadaan qosalka iyo layaabka badan ayaa sheegay in dadka ay xiliga Aroortii ah ay ugu badanyihiin in ay isku eegaan muraayada Waxaana uu intaas ku daray in ay kaga daahaan shaqada taasi oo sababta in dada badan shaqada laga cayryo kadib markii ay in badan ka soo daaheen iyaga oo dhowr jeer ku laalaabanaya isku eegida muraayada .
Waxaa warbixinta lagu sheegay in dad ka badan 25 kun ay shaqalo la’aan ku riday isku eegida muraayada taasina ay ka jirto dhowr wadan oo ku yaala dunida lkn quburadaan ma kala cadaeyn wadamada ay kala yihiin wadamada dadka ugu badan ay isku eegaan muraayada.
Caadiyan Muraayada waa isku eegaa ama waa la isku fiiriyaa lkn waqti badan in uu ku baxo lama oga waxaana aad la isugu eegaa xilyada la aadayo xafladaha la kulanka shaqsiyaad iyo waliba xil waliba oo aad gurigaada ka baxaeyso.
Warbixinta ayaa ugu dameyn xustay in uu jiro dada xitaa jeebabka ku qaata muraayadaha si ay mar waliba isugu fiiriyaan waxaana la sheegay in dadka ugu badan ee jeebka ku qaata ay yihiin dhalinyarada rag iyo dumrba isugu jira oo ku nool miyiga .
Xasan sh.Cumar
Layaabka@gmail.com