Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Guddoomiyaha degmada Wadajir oo sheegay in saaka la qaaday dhamaan jidgooyooyinkii yaalay degmadaasi

Maamulka degmada Wadajir ayaa qaaday dhamaan jidgooyooyinkii lacagaha lagu qaadi jiray ee yaalay degmadaasi.

Axmed Xasan Caddoow ‘’Axmed Daaci’’ ayaa Radi Muqdisho u sheegay in saaka la qaaday Dhamaan barihii lagu qaadi jiray lacagaha maamulkaasi ugu magacdaray  taakuleynta.

‘’Anagoo fulineyna amarkii madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaan saaka qaadnay dhamaan jidgooyooyinkii lacagaha lagu qaadi jiray ee yaalay degmadaasi, mana jiridoonaan jidgooyooyin dambe oo lacagu qaadi doono’’.

Hadalka Axmad Daaci ayaa ku soo beegmaya xilli  ciidamada qalabka sida ay wadaan olole lagu qaadayo jidgooyooyinka lagu qaado lacagaha sharcidarrada ah, kadib markii Madaxweynaha J.F.Somaliya uu amar ku bixiyay inan la qaadi karin lacago sharcidarro ah.

Share

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII HORE