Warar goor dhow naga soo gaaray dalka Ciraaq ayaa sheegaya in ugu yaraan 16 qof ay ku dhinteen qaraxyo is xigxiga oo ka dhacay magaalada ay ku badan yihiin dadka shiicada ee Hilla, oo ku taala koonfurta Ciraq.
Saraakiisha amaanka ee dalka Ciraaq ayaa waxa ay sidoo kale sheegeen in qaraxyadan ay ku dhaawacmeen dad badan.
Warar aan la xaqiijin ayaa sidoo kale tibaaxaya in gaari banbaano lagu soo rakibay uu ku qarxay magaalada Karbala halkaasi oo ay 5 qof ku dhinteen.
Ma jirto ilaa iyo immika cid sheegatay masuuliyada qaraxyadan maanta ka dhacay dalka Ciraaq bilooyiinkii ugu danbeeyay ayaa waxa dalka Ciraaq ka dhacay qaraxyo ay dad badan ku dhinteen.