Dalka Sudan ayaa noqday mid ka mid ah wadamada deeqaha waxbarsho ee ugu badan siiya ardayda dalka Soomaaliya.
Dowladda Sudan ayaa sanadkan oo kaliya ah waxa ay deeq waxbarasho siisay arday ay tiradooda gaarayso 535 arday sida uu xaqiijiyay Sargaal ka tirsan safaarada Soomaaliay ee Sudan.
Ardaydan ayaa siyaabo kala duwan u hela deeqaha waxbarasho ee dalka Sudan, iyadoo qaarkood deeqaha waxbarasho loo sii marsiiyo dowlada Soomaaliya, kuwa ay u soo maraan hay’ado, halka kuwa kalana ay si shaqsi ah u helaan.
Tan iyo intii ay burburtay xukuumadii Soomaaliya ee uu hogaaminayay alle ha u naxariistee Maxamed Siyaad Bare ayaa waxa uu dalka Sudan noqday meel ay inta badan jaamacadaha u raadsadaan ardayda dalka Soomaaliya.