Ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia Haile Mariam Desalegn ayaa sheegay in ciidamadiisa ku sugan dalka somalia ay sii joogayaan dalka somalia ilaa ciidamada Midowga Afrika ay ka adkaadaan xoogga islaamiyiinta ee ka dagaalama somalia.
“waxaynu sugaynaa Ciidamada Amisom inay anaga na badalaan deegaanada aan ka joogno dalka somalia oo ay Amisom yimaadaan goobahaas si ay noo badalaan Ayuu u sheegay Wariyayaasha Ra’iisul Wasaraha Ethiopia Xayle Mariam Desaleg.
Ra’iisul Wasaare Etoobiya Xayle Maryam ayaa Dhinac taagnaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalia Xasan Sheekh ayaa waqti rasmi ah aan u calaamadayn xiliga ay ciidamadiisa ay ka baxayaan gudaha somalia.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalia Xasan Shekh Maxamuud ayaa sheegay inay AL Shabab laga adkaaday,isla markaasna fariin digniin ah u diray Ajaanibta ka dhinac dagaalama l Shabab oo ah inay isaga baxaan dalka somalia.
“Lama lihin wax xiriir ah kuwa ajaanibta ah dagaal yahanada ajaanibta ee ku sugan gudaha somalia ha isaga baxaan Somalia kaliya waxay leeyihiin inay doortaan inay isaga tagaan dalka somalia ayuu yiri Madaxweyne Xasan sheikh Maxamuud.
Ciidamada Etoobiya ayaa soo galay gudaha dalka somalia bishii November 2011 iyagoo dagaal la galay AL Shabab isla markaasna ay kala wareegeen magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay.
Dalka somalia ayaa dhibaato dhanka amaanka la daala dhacayso tan iyo 1991 markaas oo dowladdii dhexe ee somalia la afgambiyay
Share