Dowlada Colombia iyo mucaaradka Farc ayaa soo gabagabeeyay wareegii koowaad ee wada hadalada lagu soo afjarayo dagaalka mudada badan u dhaxeeyay.
Saraakiisha sarsare ee wakiilka uga ah wada hadalada dhanka dowlada Colombia ayaa waxa ay ku tilmaameen wareegii kowaad ee wada hadalada in ay ahaayeen kuwa mira dhal ah.
Wakiilada uga qayb galayay wada hadaalda kooxda Farc ayaa waxa ay dhankooda sheegeen in wada hadalada ay ahaayeen kuwa ku dhacay jawi aad u wanaagsan natiijo wanaagsana laga filan karo.
Wada hadalada u dhaxeeya Dowlada Colombia iyo mucaaradka Farc ayaa immika lagu wadaa inay dib u soo cusboonaadaan 5-ta bisha December ee fooda inagu soo haysa.
Waa wadahadaladi ugu horeeyay oo waji ka waji ah oo ay yeesheen mudo sanooyin ah Dowlada Colombia iyo mucaaradka Farc.
Wada hadaladani ayaa waxa marti galinayasa dowlada Cuba.