Fernando Torres ayaa heysta muddo bil ah inuu u cadeeyo Rafa Benitez inuu noqon karo ciyaaryahankii uu ahaa markii uu joogay Liverpool.
Chelsea ayaana durbaba ku dhow inay la soo wareegto gooldhaliye reer Brazil ah kaasoo diyaar u ah inuu sannad cusub ku soo bilowdo Stamford Bridge hadii bisha soo socota uusan ka bixin dhibaatada ku habsatay qaab ciyaareedkiisa.
Xiddiga kooxda Metalist Kharkiv Taison ayaa Stamford Bridge joogay habeenkii arbacada isagoo daawaday kulankii goolal la’aanta ee ay la geleen Fulham, iyadoo ay jiraan warar sheegaya in xiddigaasi uu 10 milyan ginni ugu wareegayo kooxda Blues.
24 jirkaan oo ay soo wada ciyaareen xiddiga khadka dhexe ee reer Brazil Oscar ayaa waxaa Chelsea isha la raaceysay xagaagii.
Taison ayaa adduunka ka yaabsaday bilowgii bishaan markaasoo uu ka dhaliyay Europa League gool cajiib ah, taasoo u ekeyd goolkii Marco van Basten uu ka dhaliyay Russia 1988dii.