Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Real Madrid Luka Modric ayaa ugu baaqay Gareth Bale inuu kula soo biiro kooxda Real Madrid.
Ciyaaryahankii hore ee Spurs Modric ayaa ka tagay White Hart Lane bilowgii xilli ciyaareedkan, isagoo Santiago Bernabeu ugu wareegay heshiis lacageed oo gaaraya 33 milyan ginni.
Haatan Modric oo 27 jir ah ayaa rajeynaya in xiddiga Tottenham Bale in laga dhaadhicin karo inuu kula biiro Real Madrid, isagoo ku tilmaamay inaan la celin karin koox ay u wada ciyaarayaan Gareth Bale iyo Cristiano Ronaldo.
Modric ayaa u sheegay wargeyska The Sun: “Badanaa waan sheekeysan jirnay waana ka warqabaa inuu doonayo inuu ciyaaro Champions League xilli ciyaareed kasta, waxaaan uu ku riyoodaa isagoo ku guuleysanaya Champions League.
“Madrid ayaa u ahaan laheyd koox weyn oo uu ku gaaro riyadiisa.
“Waxaan halkaan Madrid kula ciyaaraa Ronaldo, qaabka uu kubada u la cararo ee kalsoonida leh iyo sida daafacyada ay dib uga dhacaan waa si la mid ah sida Gareth.
“Inaad labadooda hal koox kuwada heysato waxa ay noqon laheyd kuwa aan la celin karin.”