Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya oo faah faahin ka bixiyay kulammo uu la soo qaatay wasiirrada Gaashaandhigga Dalalka Jabuuti iyo Ehtiopia ayaa sheegay in labadaasi dowladood ay Soomaaliya ka taageeri doonaan dib u dhiska Ciidammada Qalabka Sida iyo la dagaalanka argigixisada.
Mudane C/xakiin Xaaji Fiqi Wasiirka Gaashaandhigga Somalia oo qeyb ka ahaa wafdigii uu hogaaminayay Madaxweynaha J. F.Somalia ee soo booqday waddamada Jabuuti iyo Ethiopia, ayaa faahfaahin ka bixiyay kulamo uu la soo qaatay wasiirrada Gaashaandhigga ee waddamadaasi, isagoo hoosta ka xariiqay in labadaasi dalba ay dowladda ka taageeridoonaan dhismaha ciidamada iyo la dagaallanka argagixisada.
Wasiirka Gaashaandhigga ayaa hoosta ka xariiqay in uu kulamo la soo qaatay wasiirrada Gaashaandhigga wadamada Jabuuti iyo Ethiopia, isagoo carrabka ku adkeeyay in wasiirrada Labada dalka uu kula heshiiyay in ay dowladda ka taageeraan dhismaha ciidamada iyo la dagaallanka argagixisada iyo iskaashi ku aadan horumarinta iyo tayeeynta ciidamada XDS.
Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa dadaal ballaaran ugu jirta dib u dhiska iyo tayeeynta ciidamada XDS si loo soo celiyo awoodii iyo sharaftii lagu yaqaanay ciidamadeena iyagoo tabar iyo awoodba u yeelan doona xoreynta dalka oo dhan.